Malmø oo laga soo dhaweeyay shirkadda Pontus Marine Ltd.

Malmø oo laga soo dhaweeyay shirkadda Pontus Marine Ltd.

download

Wakiillo metelayay shirkadda Pontus Marine Ltd ayaa sabtidii (02.11.2013) la kulmay soomaalida deggan magaalada saddexaad ee dalka Sweden, Malmø.

Si wayn ayaa magaaladaas loogu soo dhaweeyay shirkadda, iyadoo faahfaahin ballaadhan laga bixiyay fursadaha ganacsi ee kalluunka xeebaheenna iyo shaqada ay dhawaan halkaas ka bilaabayso shirkaddu.

Waxa kaloo la faahfaahiyay qaabka loo maalgashan karo shirkadda.

Hoggaanka sare ee shirkadda Pontus Marine Ltd ayaa hore u soo booqday magaalooyinka Copenhagen (Danmark) iyo Oslo (Norway) bishii ina dhaaftay. Maalinta sabtidana (09.11.2013) waxay booqanayaan magaalada Stockholm ee caasimadda sweden, halkaasoo ay kula kulmi doonaan soomaalida halkas deggan.

DSC_0356

Guud ahaan soomaalida deggan dalalka Scandanavianka ayaa si wayn u maalgashanaya shirkadda Pontus Marine Ltd, oo haysa suuqyo ballaadhan oo loo iibgayn karo kalluunka xeebaheenna.

 

Ahmed Diria Liban
a.liban@yahoo.com