Marwada Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhiga Ka Jartay Guriga Martida Gobolka Saaxil

(SM-Berbera) Marwadda koowaad ee Somaliland Aamina Skeekh Maxamed Jirde (Aamina Waris), ayaa xadhiga ka jartay xarunta madaxtooyadda Berbera ee gobolka Saaxil, oo dib-u-dhis iyo casriyayn lagu sameeyey.

waxaana Marwada halkaasi ku soo dhaweeyay badhasaabka gobolka Saaxil, mareeye ku xigeenka dekadda Berbera iyo dadwaynaha reer Berbera, kuwaasi oo kaga hortegay tuuladda Sheekh Abdaal ee duleedka Berbera.

Marwo Aamina Waris, hadal kooban oo mubaasibadaasi xadhiga kaga jaraysay gurigaasi martida Berbera, ayaa u mahad celisay masuuliyiinta dekadda Berbera, hawshaasi oo ay ku tilmaantay mid qiimo qaranka u leh.

Iyada oo marwaddu arrimahaasi ka ahdlaysana, waxay tidhi “Aad iyo aad ayaan idiinku mahad naqayaa, gurigan madaxtooyada Berbera, ee dib loo casriyeeyay, mahad wayn sida uu gudoomiyuhu sheegay waxa leh dekedda Berbera, hawl wayn ayaad qaranka u qabateen oo kuwii hore aad u qabaynayseen aad ku soo biiriseen, Soomaalidu waxay tidhaahdaa hugaaguna wuu kula baryo tagaa, meesha madaxda qarankeenu ku soo degto inay meel la imankaro oo ishu ku dhici karto way fiican tahay, waajib kiinii ayaad gudateen mar labada ayaan idiin mahad celinayaa”.

Badhasaabka gobolka Saaxil, Cali Maxamad Cilmi (Cali Gadheer), oo isna munaasibadaasi ka hadlay ayaa ku amaanay masuuliyiinta dekadda Berbera , hawsha casi-riyaynta ah ee ay ku sameeyeen guriga martida Berbera, waxaanu yidhi“Gurigani waxa uu ahaa gurigii martida oo dib loo casriyayn lagu sameyey, howshaasna waxa fuliyay maamulka dekeda Berbera , oo aan runtii aad iyo aad ugu amaanyo oo imika u eg madatooyada caalamka qaybo kamida yihiin, gudeheedana aad loo qalabeeyay”.

Maareeye ku xigeenka dekadda Berbera. Cumar Abokor Jaamac, ayaa isna dhankiisa ka warbixiyay hawshan casriyaynta ay ku sameeyeen guriga martida Berbera, mudadii ay ku qaadatay, “Hawshan casriyaynta aanu ku sameeyeen guriga martida Berbera, waxa qabadkii aanu ka qabanay hadaanu nahay Dekadda, sharaf ayay noo tahay in ay noo furto marwada koowaad Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde”. Ayuu yidhi.

Marwo Aamina Maxamed Jirde, oo socdaal maanta ku tagtay magaalada Berbera waxa kale oo ay xadhiga ka jartay dhismeyaal kale oo laga hirgaliyay, waxaana sidoo kale soo kormeertay meelo kale oo ay ka socdaan mashaariic hurumarineed.

Salaanmedia/Berbera