Marwada madaxweyne Siilaanyo oo booqasho ku tagtay Gabiley iyo nawaaxigeeda.

(SM)Wajaale) – Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde (Aamina-weris), ayaa maanta booqasho ku tagtay Magaalooyinka Gabiley iyo Wajaale.

Marwada koowaad ee Somaliland, waxay Magaalada Wajaale ka dhagax dhigtay xarun lagu daryeeli doono carruurta Agoomaha ee Magaalada Wajaale.

Marwada Koowaad oo ay safarkeeda ku wehelinayeen haweenka ururka NOW iyo wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, ayaa hadal ka jeedisay Magaalada Wajaale, markii ay dhagax dhigtay dhismaha loo samaynayo agoomaha Wajaale, waxayna tidhi “Maanta sharaf iiga weyni ma jirto inaan Imaado degmada Wajaale ee Gobolka Gabiley, oo aan ka qayb-qaato dhagax dhiga xarunta ay Carruurteena Agoomuhu ku raaxaysan doonaan, wax ku baran doonaan, laguna daryeeli doono, wax alaale iyo wax aanu ka hagran doonaa ma jiri doonto, waanu ka qayb-gali doonaa wixii ay u baahan tahay wixii nagaga soo hagaaga”

Marwo Aamina Weris, waxa kale oo ay sheegtay “Degmada Wajaale, dawladdan qaali ayay ku tahay dawladda, sababta oo ah waxay ka mid tahay goobaha wakhtigii aanu Mucaaradka ahayn taageerada hagar la’aanta ah aanu ka heli jirnay” ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay “Wajaale, waxay ahayd Meeshii Calanka UDUB u xidhay Eyda, wixii dawladdu u qabatay degmadan waa wax waajib ah, waa wax dalkeenana badhaadhe u ah…Waxaan qabaa inay Wajaale tahay xarunta Ganacsiga Somaliland, in la ilaaliyo, in waddooyinkeeda la dhiso intaba xaq-bay u leedahay”

Marwadu waxa ay xaruntaasi ugu deeqday $ 1000 doolar oo shakhsi ah “Annigu halkan aan dhagax dhigayo (Xarunta Agoomaha Wajaale), $ 1000 ayaan ku daray oo aan ugu deeqay”ayay yidhi.

Dhanka kale, Marwada oo markii ay ka soo laabatay Wajaale, Munaasibad soo dhaweyn ah loogu qabtay degmada Gabiley, ayaa halkaasi ka sheegtay inay ururka NOW ee Gabiley ku wareejinayaan qalab loogu talo-galay dadka naafada ah “Dawaarada wax lagu baro dadka naafada ah oo aanu gobolka Gabiley in badan u haynay ayaanu doonaynaa haweenka ururka NOW ee Gabiley, ILAAHAYNA waxaan ka rejaynayaa inay uga faa’ideeyaan dadka baahidu u hayso, khaasatan kuwa naafada ah” ayay tidhi.

Salaanmedia/Hargaysa