Maxkamadda Sare Ee Ingiriiska Oo Go’aan Ka Soo Saartay Dacwaddii Baanka Barcleys Iyo Dahabshiil Oo Guul Gaadhay

(SM-London) – Shirkadda Xawaaladda Lacagaha ee DAHABSHIIL, ayaa guul ka gaadhay Dacwaddii ay ka gudbisay baanka Barcleys, ka dib markii maanta ay maxkamadda sare ee Ingiriisku soo saartay go’aanka dacwaddii socotay.

Garsooraha Maxkamadda sare ee Ingiriiska oo toddobaad ka hor dhageystay dacwadda ay shirkadda Dahabshiil ka gudbisay baanka Barcleys ee ay ahayd inaanu xidhin xisaabaadka ay ku leedahay shirkaddu, ayaa maanta galinkii hore soo saaray go’aan ku meel gaadh ah, kaasi oo ah inuu ku qancay dacwadda Dahabshiil, waxaanu Barcleys Bank ku amray inaanu xidhin akoonada shirkadda Dahabshiil, isla-markaana maxkamaddu dacwada ka soo saari doonto go’aan kama dambays ah.

Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa sheegtay xaakinka Maxkamadda sare ee Ingiriisku taageeray codsigii Dahabshiil, waxaanu baanka Barcleys ku amray inaanu xidhin xisaabaadka (Accounts) ay Dahabshiil ku leedahay baankaasi isla-markaana aanu carqalad galinin hawlaha lacagaha ee xawilaadda ah.

Salaanmedia/London