“Mucaaridka Waxaanu leenahay 8 Sanno oo Aanu Mucaarid ahayn Run ayaanu sheegaynay”

AaminaHargeysa (SM)-Agaasimaha Waaxda Samafalka ee Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland Aamina Maxamuud Diiriye, ayaa cambaareysay hadal masuul ka tirsan xisbiga WADDANI uu ku sheegay inaan Madaxwayne Siilaanyo markii uu dhawaan Berbera tagay aanu booqan dadkii dhibaatadu ka soo gaadhay roobabkii dalka ka da’ay isla-markaana aanu wax taakulo ah u geynin.

Aamina Maxamuud Diiriye, oo ka mid ahayd wefti ay hogaaminaysay Marwada koowaad ee Somaliland oo safar ku tagay Magaalooyinka Gabiley iyo Wajaale, ayaa hadal ay ka jeedisay Munaasibad soo dhaweyn ah oo weftiga loogu sameeyay Gabiley, ayaa eedaymo ugu jeedisay xisbiyada Mucaaradka ah, siiba xisbiga WADDANI.

Aamina Maxamuud Diiriye, oo arrimahaa ka hadlaysaana waxay tidhi “Xalay waxaan Tv-yada ka daawanayey nin weyn oo yidhi Madaxwaynuhu intuu Berbera tagay ayaanu danyartiina wax siinin, dadkii tabaaladu gaadhayna aanu soo booqan, ninkaa aad ayaan ula yaabay, waa masuuliyiin ka tirsan xisbi Waddani la yidhaahdo, oo Guddoomiyahooduna baarlamaanka Guddoomiye ka yahay, miyaanu isla yaabayn, qofku miyuu indho la’aa, miyuu dhago la’aa.”

Aamina Maxamuud Diiriye, waxa kale oo ay sheegtay “Madaxwaynuhu ujeedada koowaad ee uu tagay Berbera waxay ahayd inuu dadkii tabaaladu gaadhay oo uu soo eego, isla-markaana amar ku bixiyey, annaguna aanu wadnay tabarucaadkii uu Madaxwaynuhu ku balan qaaday oo Barbar socday, Tabarucaadkii uu Madaxwaynuhu amarka ku bixiyena way ka horeeyeenba oo goobta ayaa lagu bixiyey, markaa dadka masuuliyiin isku sheegaya ee Tv-yada waxaasi ka leh ee leh hadhow dalkaan doonayaa inaan waddanka wax ka qabto, sow beenaale maaha” ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay “Xisbiyada Mucaaradka ah, waxaan leeyahay 8 sano ayaanu Mucaarad ahayn, wax run ah ayaanu sheegi jirnay.”

Salaanmedia/Hargeysa