Robin Van Persie Oo Hakiyay Xawaarihii Arsenal Xilli Uu 7-Sano Kadib Guul Ugu Diiday Old Trafford

Robin Van Persie Oo Hakiyay Xawaarihii Arsenal Xilli Uu 7-Sano Kadib Guul Ugu Diiday Old Trafford

Taariikhda: November 10, 2013

Manchester United v Arsenal - Premier League

Manchester United ayaa heshay goalka hogaanka u dhiibay daqiiqadii 27-aad ee ciyaarta markii uu madaxa ku dhaliyay R.v. Persie kubad karoos ah oo laga soo laaday koornada midig waxaana soo laaday Wayne Rooney.

Qeybta Hore aya kusoo idlaatay 1-0 oo ay hogaanka ku heyso Man United inkastoo fursadaha labada kooxood ee qeybta hore aysan aheyn kuwo qalqal galin karay labada goal.

Goalhaye Szecensy ayaa ku sigtay in laga saaro ciyaarta markii ay isku dhaceen Jones inkastoo wiilka reer England Jaale lagu abaalmariyay, sidoo kale Nimanja Vidic ayaa dhaawac looga saaray ciyaarta markii ay isku dhaceen De Gea isna dhamaadii qeyba hore ciyaarta.

Labada Kooxood ayaa kubadooda kusoo idleynayay qeybaha dhexe inkastoo aysan jirin kubad qatar ah oo lala beegsaday goolasha labada kooxood.

Tababare Roy Hogdson & Sir Alex Ferguson ayaana ka mid ahaa shaqsiyaadkii usoo daawasho tagay Kulankaan xifaaltanka ah ee Old Trafford ka dhacay.

Qeybtii labaad ayaa la isku soo laabtay inkastoo natiijada ciyaara aysan waxba iska badalin waxaana ugu dambeyntii 1-0 guusha ay ku raacday Man United oo iska yareysay buuqii Gunners inkasto kooxda Arsenal ay wali baaqi kusii ahaan doonto Hogaanka Horyaalka.

Wayne Rooney ayaa noqday wiilka hogaamiya Man United sidoo kalana R.v. Persie ayaa markisii labaad iska reebay kooxdiisii hore ee isagoo markaana Old Trafford guul ugu diiday.

David Moyes ayaa ka gudbay tijaabadiisii ugu adkeyd ee Horyaalka Premier League inkastoo uu naadiga ka riday kaalmaha dhexe hadana United ayaa haatan soo tiigsatay kaalinta 5-aad ee ciyaarta.

Guuldaradii Man City iyo Spurs ayaana ka dhigtay in Red Devils ay usoo dalcaan kaalinta 5-aad.

Ugu dambeyntii Stoke City & Swansea City ayaa barbardhac ku heshiiyay markii ciyaar aad u culus ay kusoo bandhigeen Wales, waxaana ay kusoo dhamaatay ugu dambeyntii 3-3.