Sirdoonka Puntland oo qabtay basaasiin u kala dhashay Britain iyo France (Daawo Sawirada”

Maamulka Puntland, ayaa waxa uu maanta soo bandhigay laba nin oo ay ku sheegeen in ay basaasiin yihiin, isla-markaana ay ka shaqeynayeen waxyaabo ka baxsan danaha Puntland.

Wasiirka Wasaarada Amniga ee Maamulka Puntland Khaliif Ciise Mudan, ayaa wuxuu maanta Warbaahinta u sheegay, in raggaan ay muddooyinkaan dambeba ku daba jirayn Sirdoonkooda.

Wasiirka, ayaa intaa ku daray in raggaan ay Puntland soo galeen 20-kii bishii April ee sanadkaan, mudadaasina ay jooggeen Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Wasiirka, ayaa tilmaamay in ay dib ka soo sheegi doonaan cadeymaha ay ka hayaan labada nin ee Ajaaniibta ah, ee xabsiga lagu haayo tan iyo 14-kii bishaan.


Khaliif Ciise Mudan, ayaa muujiyay in raggaan ay horkeeni doonaan Maxkamad, laakiin muusan sheegin goorta ay soo taaggi doonaan Maxkamada.

Salaanmedia/Mogdisho