Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

SULDAANKA QURBAJOOGTA SOMALILAND (Xaaji Axmed Diiriye Aw Guuleed) oo soo dhaweeyey dib u dhiska Wadada Ceerigoobo ilaa Burco.

SULDAANKA QURBAJOOGTA SOMALIND (Xaaji Axmed Diiriye Aw Guuleed)ayaa noqday ee bilaabay lacagta JIdja Ceerigabo ee xafladii London.

IMG_2318Suldaanka Qurbajooga Somaliland Xaaji Axmed Diiriye Guleed ayaa aad usoo dhaweeyey kulankii habeenkii Sabtida 16.11.13 ay shacabka reer Somaliland isugu yimadaan Bariga Magaalada Lodon ,si ay qadhaan ugu ururiyaan dib u dhiska wadada isku xidha Burco ilaa Ceerigaabo. Waxa Suldaanku uu aad ugu mahad celiyey dhamaan dadkii  soo abaabulay,shacabka reer Somaliland ee kasoo qayb galay iyo dhamaan madaxdii Somaliland ee kulanka kasoo qayb gashay .Suldaan Xaaji Axmed ayaa ku tiraabay $500 oo uu shakhsiyan ku yaboohay Wuxu xaajigu bilow wanaagsan iyo tusaale u noqday lacag ku dhow nus malyan doolar oo habeenkii Sabtida lagaga yaboohay xafladii London. Suldaanka ayaa ku caanbaxay isu taagida danta guud ee Somaliland meel ay joogtaba, isagoo hore taakulo ugu diray mashaariicda Jaamacadda Burco iyo Wadada Oodwayne iyo kuwo kale oo badan. Waxa kale oo Suldan Xaaji Axmed Diiriye Guleed fariin u direy dhamaan shacabka reer Somaliland in ay ka qayb qataan horumarka dalka iyo dib u dhiskaba. Waxa uuna kula taliyey dhamaan shacabku meelksata oo ay joogaanba in ay isku xidhnadaan oo ka dig tonadaan wixii keenaya dhibaato bulshada dhexdeeda.

Xafladii qadhaanka loogu ururinaayey wadada Ceerigaabo ilaa Burco waa wado aad u muhiima qayb weyna ka qaadanaysa isku xidhka Somaliland Bari iyo Galbeed, Waa horumar aad u balaadhan oo u baahan in hiil iyo hooba lala garab istaago  ayuu xaajigu hadalkisii kusoo gunaanaday.

Salaanmedia/London

 

 

Please follow and like us:




Leave a Reply