War Deg Deg Ah in kabadan 50-Xildhibaan oo kasocda Beelaha Soomaaliyeed oo hada kulan Xasaasi ah ku leh Muqdisho

news

Warar goordhaw nasoo gaadhay ayaa sheegaya imaanta Hoteelka Jaziira ee Magaalaada Muqdisho ku kulansanyihiin Xildhibaano tiro badan oo ka kala socda beelaha Soomaaliyeed kuwaa oo la tilmaamay in siyaasad ahaan taageersan yihiin Madaxweynaha.

Xildhibaanada kulansan oo ah gudiyo ka kala socda Beelaha ku jira Baarlamaanka Soomaaliya waxa ayna tiradooda gaareysa ilaa 50-xildhibaan waxa ayna ka arinsanayaan sida aan wararka aan ku heleyno sida loo gudbinayo mooshin ka dhan ah R/Wasaaraha oo hada diyaarsan.

Xildhibaanada Hoteelka Jaziira xiligan kulanka ku leh ayaa inta badan ah Xildhibaanada taageersan Siyaasad ahaan Madaxweynaha Soomaaliya waxaana loo xilsaaray gudbinta mooshinka ka dhanka ah R/Wasaaraha oo hada laga saxiixay in kabadan 140-Xildhibaan.

R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa hada u muuqda mid fashil ku dhaw xaaladana ku xuntahay , Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa inta badan waxa ay taageersan yihiin Siyaasada Madaweynaha, waxa ayna qorsheenayaan in Mooshin ka dhan ah R/Wasaaraha loo gudbiyo Gudoonka Baarlamaanka si meesha qasab looga tuuro.

Salaanemdia/Mogdisho