War Deg Deg Ah Mooshin ka dhan ah R/Wasaaraha Soomaaliya oo goordhaw si rasmi ah loo Gudbiyay

newslogo2

Warar aanu ka helnay ayaa xaqiijinaya in goordhaw Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya loo gudbiyay mooshin ay ku saxiixan yihiin tiro badan oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Xildhibaano gaaraya 168-Xildhibaan Mooshin ay ku saxiixan yihiin loo gudbiyay Gudoomiye kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaalida kaa oo si rasmi ah uga gudoomay Xildhibaanada Mooshinka u geeyay.

Sida Sharciga ah Xildhibaanada Baarlamaanka marka ay gudbinayaan mooshinka ayaa laga doonayaan ilaa 55-Xildhibaan waxaana hada muuqata in tirada Mooshinka gudbisay ay yihiin kuwa aad u badan oo halis ku ah jiritaanka R/Wasaaraha.

Fadhiga ugu horeeya ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la qorsheenayaa in lagu lafa guro mooshinka laga Gudbiyay R/Wasaraha iyo khilaafka u dhaxeeya Labada Masuul ee dalka ugu sareeya .

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sida sharciga ah mar hadii ay Mooshin u gudbiyaan Gudoonka Baarlamanaka lagana qabto waxaana suurto gal noqoneyn in mar kale mooshinkaasi laga laabto ilaa baarlamaanka la horkeeno codna loogu qaado.

Mooshinkan laga gudbiyay R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa rajo xumo kusii beereysa R/Wasaaraha waxaana suurto gal ah in uu is casilo kahor inta aan codka kalsoonida loo qaadin sida aan Warar hoose ku helnay.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

Salaanemdia/Mogdisho