War Saxaafadeed: Dood Qaran ma jiro Sharci u diidaya Xisbiyada Mucaaradka ah, Siyaasiyiinta waddaana waa kuwii wadankan tacabka badan ku lahaa,

War Saxaafadeed

Dood Qaran ma jiro Sharci u diidaya Xisbiyada Mucaaradka ah,  Siyaasiyiinta waddaana waa kuwii wadankan tacabka badan ku lahaa, Kulmiyena waxaan kula talin lahaa inay ka qayb galaan shirka

Shirka Dood Qaran waxaynu la wada soconay sida uu u soo bilaabmay oo ahayd Odayaal Siyaasiyiin ah Qarankanna magac weyn, qiimo iyo qaddarinba ku leh fikir ka bilaabmay, markii Shacabkii loo tusay inay Somaliland duminayaan oo balaayo ridayaana waxay garawsadeen inay  shirkaa Dooda Qaran ah qabashadiisa ku wareejiyaan labada Xisbi Qaran ee Mucaaradka ah.

Xisbiyada Qaranku waxay ku fadhiyaan codkii shacabkii kalsoonida siiyay, waxay leeyihiin Shakhsiyad qanuuneed  (Legal Personality), waxay heystaan Aqoonsiyo sharci ah (Shahaadado) oo ay ku yihiin Xisbiyo Qaran, waxaa ka dhexeeya tartan Dastuuri ah oo ay ku tartamayaan Hoggaanka Dalka. Sidaa darteed waxay Qarankan iyo adeegayaashiisaba ka mudanyihiin tixgelin isku mid ah ama simman. Haddii Shalay Xisbigii UDUB  talada Dalka hayay, maanta waxa haya Kulmiye, Berrina waxa qaban doona Xisbi kale.

Haddaan u soo noqdo Shirka doodda Qaran ee Xisbiyada Macaaradku ku baaqeen ma jiro wax sharci ah oo u diidaya  qabashadiisa iyo inay ka doodaan lana wadaagaan wixii dhaliil iyo wanaag ah oo ay Xukuumadda talada haysa usoo bandhigaan. Ummadina hadday isa sixi waydo oo wixii qaldan isu sheegi waydo oo ka doodi waydo halkaynu maraynaa?  ma jiho qaldan baynu u soconaa?  maxaa toosin u baahan? —  dee ma jireyso, waxayna noqonaysaa Awr dabar la’aan dhacay!

Waxaan jecelahay inaan qof kasta oo qoraalkan akhrista xusuusiyo inaanay ahayn markii ugu horreysay ee laba Xisbi shirkan oo kale qabtaan, waxay ahayd  7 sanno ka hor markii ay KULMIYE iyo UCID  shir magiciisu ahaa TALO QARAN ay ku qabteen Magaalada Hargeysa  5tii – 6dii August, 2006. Shirkaas oo laba maalmood soday waxay labadaa Xisbi oo ay Guddoomiyeyaal ka ahaayeen Axmed M. Siilaanyo iyo Faysal A. Waraabe  ka soo saareen Qodobo ay ka mid ahaayeen:

1-Doorashooyinka soo socda lagu qabtaa xilligoodii, xukuumadduna diyaariso wixii ay u baahan yihiin adeeg, dhaqaale iyo qabanqaabo. Xisbiyada siyaasiga ah waa in ay si aan nasasho lahayn u daba-galaan sidii ay u qabsoomi lahaayeen doorashooyinkaasi. Waxa shirka ka soo baxay in Guurtidu ku timaaddo doorasho sida distoorku qorayo. Sidaa daraadeed, waxa la soo jeediyey in doorashada Guurtida lagu beego tan goleyaasha degaanka.
4-In loo ololeeyo sidii dalka loogu soo dabbaali lahaa sharciyadda iyo distoorka, lagulana xisaabtamo Madaxweynaha ilaalinya iyo hirgelinta shuruucda dalka. Madaxweynuhu wuxuu ku fadhiyaa sharciyad distoor, haddii uu jebiyo distoorkana, waxay wiiqaysaa sharciyaddiisii.
9-Warbaahinta dawladdu waa in dhex ahaataa, una adeegtaa danaha caamka ah ee bulshada, waana in loo sameeyo BOODH madaxbannaan oo maamula.
10-Waxa la isla gartay in madax-dhaqameedyadu sii xoojiyaan nabadgelyada, turxaan-bixinta iyo midnimada ummadda reer Somaliland.
11-Waa in la joogteeyaa doodaha noocan ah.
12-Mujaahidiinta SNM waxay mudan yihiin in la daryeelo agoomahooda, naafadooda iyo kuwa noolba.
13-Waxa la isla gartay in ay tahay hawl xisbiyada mucaaradka ah u taal daba-galka iyo ka-midho-dhalinta talooyinka shirkan ka soo baxay.”

Waliba Shirkaas oo ku bilaabmay si caadifadaysan ragga qaarkii oo wixii ay ku hadlayeen duuban yihiin waa nasiib darro hadday maanta leeyihiin waa xaaraan, macnaheeduna waa yaanaan mucaarad yeelan.

Waxaan Madax dhaqameedkana u soo jeedin lahaa inay gartaan xilkooda  oo ay mucaarad iyo muxaafidba madaxdhaqameed u noqdaan oo aan cid goonniya loo adeegsan.

Waxaan ka xumahay, nusqaan iyo liidnimona ku ah in Boqor Buur Madow (oo anigu aan magac kale u aqaano) uu halkii Saleebaan Gaal maray ka daba maro.   

Waxa la yidhi hadal aan fiirsi loo odhan wuu kula fogaadaa. Gar eexo oo aad nimaad necebtay ku naqdaana nimaad jeceshay sugaysaa.

Xisbiyada Shirkan qabanayana waxaan u soo jeedinayaa inay dooddani noqoto mid si cilmiyaysan loo qabto oo qodobo dhaxalgal dalka iyo dadka reer Somaliland u ahi ka soo baxaan.

Xisbiga Kulimiyana waxaan madaxdiisa mar kale u soo jeedinayaa in si shirka dooddiisu macno weyn inoogu sameyso ay si bilaa turxaan ah uga qayb galaan.

Wa Billaahi Tawfiiq,

Cabdi Xaliim M. Muuse  (Wasiir ku Xigeenkii hore ee W/Ganacsiga )

Â