Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Isku-Daygii Dil Ee Uu Ka Badbaaday Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Kulmiye

warancade

(SM-Hargeysa) – Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa maanta ka hadlay isku day dil oo uu shalay ka badbaaday Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed.

Wasiir Cali Waran-cadde, oo maanta u waramay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa sheegay in falkaasi ahaa wax ku cusub Somaliland isla-markaana la ciqaabi doono ciddii falkaasi geysatay.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Falkaasi runtii waa arrin ku cusub dalkeenna, wax loo dulqaadan karayana Maaha”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Ciqaab ayaanu marin doonaa cidda ka dambaysay falkaasi, si aanay arrimaha nocaasi u soo noqnoqon oo labadii wada hadlaaba tahdidaad noocaas ah iskula kicin” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Markaa arrintaas waanu ku damba jirnaa, taliyaha booliska iyo ciidanka booliskana amar baanu siinay in si degdeg ah loo soo qabto Cida ka dambaysay”

 

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, waxa uu sheegay in falkaasi aad loo baadhayo “Si wayn ayaa loo baadhayaa qaarkoodna waanu qabanay, raggii Masuuliyada lahaa, laba kalena waa lagu daba jiraa, waxaanuna rejaynaynaa in wax dadku kaga caago arrimaha noocaas ah aanu ku samayn doono”

Salaanmedia/ Hargaysa