Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa caawa ka dhoofaya Madaarka Heathrow London.

unnamed (1)

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa caawa ka dhoofaya Madaarka Heathrow London isaga oo kusii jeeda Somaliland, Wasiirka ayey dad badan oo ka mid ah shacabka reer Somaliland ay kusii dhaweynayaan Madaarka  Caalamiga ah ee Healthrow.

Dad ka mid ah dadweynaha sii sagootinaaya Wasiirka oo aan xidhiidh la sameynay ayaa noo sheegay in wasiirku uu caawa wakhtiga London 9 habeenimo uu ka dhoofayo madaarka. 

 

 

 

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaji Xasan oo dhawaanahanba ku sugnaa cariga Ingiriiska ayaa la kulmay jaaliyada reer Somaliland ee dalkan Ingiriiska oo uu u ololeynaayey dhismaha wadada iska xidha Burco iyo Ceerigaabo oo uu madaxweyne Siilaanyo u xilsaaray. Waxa kale uu wasiirku u yimid imtixaano uu ka galaayo jaamacad ku taala Bariga dalkan Ingiriiska oo ka mid ahaa ujeedadiisa  safarkiisan Ingiriiska.

unnamed

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Salaanmedia/London