“Waxaa Naga Go’an In Aanu Garab Is-Taagno Soomaaliya” Guddoomiyaha Ururka Jaamacada Carabta

(SM:Muqdisho)  Guddoomiyaha ururka Jaamacadda Carabta, Nabiil Al-Carabi ayaa sheegay inay gacan ka geysan doonaan sidii Somalia ay dib cagaheeda isugu taagi lahayd kadib sannado badan oo colaado ay ka jireen.

“Waxaa naga go’an inaan garab is-taagno Soomaaliya inta ay cagaheeda isku taagayso, waxaana doonaynaa inaan aragno Soomaaliya oo nabad iyo barwaaqo ah, ka dib sannado badan oo colaado ah,” ayuu yidhi Al-Carabi.

 

 

“Soomaaliya halkii sano ee la soo dhaafay horumar weyn ayay sameysay, waxaana dalka ka furan safaarado badan oo caalami ah, waxyaabaha laga shaqeeyayna waxaa ka mid ah ammaanka iyo dib u soo celinta dhaqaalaha dalka,” ayay Fowziyo u sheegtay Al-Carabi.

 

Danjiraha Soomalaiyau fadhiya dalka Kuwait, Cabdulqaadir Sheekh Amiin oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulamada ku saabsan sidii gacan looga geysan lahaa dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya ay yihiin kuwo billow ah ayna socon doonaan.

 

Soomaaliya ayaa waxay ka mid tahay dalalka Jaamacadda Carabta iyadoo uu ka furmi doono maalinta berri ah kulan ay u dhexeeya madaxda Carabta iyo kuwa Afrika, kaasoo looga hadli doono iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dhinac.

Salaanmedia/Mogdisho