“Waxay Ii Ahayd Farxad Weyn In Aan Kummanaan Shacabka Reer Somaliland Ah Oo Ku Sugan Daafahada Dunida Aanu Ku Kulano….” Wasiir Xirsi

(SM:Hargaysa) Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo Booqasho ku jooga dalka Ingiriiska ayaa shir dhinaca Telefoonka ah la yeeshay qurbo jooga Somaliland ee ku dhaqan daafaha dunida, sida lagu faafiyay mareegta Wasiirku ku leeyahay Internet-ka ee guusha.com

“Waxay ii ahayd dareen iyo Farxad weyn in aan kummanaan Shacabka reer Somaliland ah isla markaana ku sugan daafaha dunida aan ku kulamo khadka Telefoonka “Teleconference” annagoo xog iyo xoog iskugu dirayna Jidka Ceerigaabo iyo Burco,”ayuu yidhi Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasa

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi Waxaan si gaara uugu mahad celinayaa Safiirka Somaliland ee Maraykanka Rashid Gaaruf, Iyo Safiirka Somaliland ee UK Cali Aadan. Sheekh Sacad Muuse, oo kulanka igala qayb qaatay, waxaan sidoo kale u mahadcelinaya cid walba oo nagala qayb-qaadatay iyo sidoo kale tiradii badnayd ee khadku u soo gali waayey. aynu xoogeena iyo xoolaheena dul dhigno hirgalinta jidka Ceeirgaabo iyo Burco..Wa Bilaahi tawfiiq.”

Salaanmedia/London