Wefti Uu Hoggaaminayo Maayarka Magaalada Turku Ee Dalka Finland oo Boorame Lagu soo Dhaweeyay

November 4th, 2013 Comments Off

Wefti reer Finland ah

BOORAME (SM)-Waxa maanta magaalada Boorame soo gaadhay Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Maayarka magaalada TURKU ee dalka Finland Md. Seppo Lihtinen oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka ee magaalada Turku iyo madax kale, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay booqasho ku joogay Somaliland.

Weftigan ayaa markii ay Boorama yimaadeen waxa ay kulamo kale duduwan la yeesheen Badhasaabka Awdal iyo Maayarka Boorama, waxana ay dulucda kulamadaasi ahayd sidii loo yagleeli lahaa xidhiidh cusub oo ay wada yeeshaan magaalooyinka Boorama iyo Turku.

Badhasaabka Awdal Cabdoo Axmed Aayar oo wafdigan qaabilay ayaa uga warbixiyay hanaanka shaqo ee maamulka gobolka iyo hormarka ay Somaliland ku talaabsatay, waxana uu yidhi “Badhasaab ahaan waxa si toos ah ii soo magacaaba Madaxwaynaha, waxana aan gobolka uga masuul ahay Dawlada Dhexe, waxa aan ka gobol ahaan samaysanay qorshe balaadhan oo ku aadan sedexda sano ee soo socota iyo hormarka aan hoogsanayso ka gobol ahaan, sidaasi aawadeed waxa aan idiinka baahanahay in aan wada samaysano xidhiidh cusub oo ku salaysan sidii aan waayo aragnomada isku dhaafsan lahayn, casharona idiinka baran lahayn”

Maayarka Boorama Mudane Saleebaan Xasan Xadi ayaa isaguna qaabilay wafdigan, waxana uu uga waramay shaqooyinka ay dawlada hoose u qaabilsan tahay bulshada waxana uu yidhi “Golaha degaanka ee degmada waxa soo doorta dadka, waxana ay iska sii dhex doortaan Maayarka degmada iyo kuxigeenkiisa, waxa ay D/Hoose bulshada u qabataa shaqo balaadhan oo dhinacyada hormarinta, ka shaqaynta bilicda magaalada, ilaalinta nadaafada iyo fayodhawrka, iyo dhinaca nabadgalyadaba ah, sidaasi aawadeed waxa aan qirayaa in aan nahay dal curdin ah oo aan wali helin aqoonsi caalami ah, waxana aan idiinka baahanahay inaad naga qabashaan in xidhiidh xoogan uu na dhex maro si aan casharo iyo waayo aragnimo balaadhan idiinka korodhsano”

Maayarka magaalada TURKU ee dalka Finland Md. Seppo Lihtinen ayaa gudoonsiiyay Badhasaabka Awdal iyo Maayarka Boorama hadiyado uu ugu soo talo galay, waxana uu ka marag kacay in labadii maalmood ee uu ku sugnaa Somaliland ay indhihiisu qabteen waxyaabo badan oo hormar ah oo ay Somaliland kaga horayso Somalia, waxana uu shacabka reer Awdal ku bogaadiyay hormarka ay hiigsanayaan ee dhinaca kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha, tayaynta waxbarashada, dimuquraadiyada iyo arimaha maxaligaba ah.

Weftigan ayaa waxa ay soo booqdeen intii ay Boorama joogeen Jaamacadda Camuud, waxana ay isla maantaba u amba baxeen dhinaca caasimada Hargaysa.

Salaanmedia/Boorama