Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Guurtida Somaliland Oo Taageeray Shirka Xisbiyada Mucaaridku Ku Baaqeen, Guddoomiye Saleebaan-Na Eedayn U Jeediyey

BNov 15,2013 Hargaysa(SM)-Xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Boosh-cadde oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, ayaa taageeray shirka wada-tashiga Qaran ee ay ku dhawaaqeen labada Xisbi Mucaarid ee WADDANI iyo UCID. Waxaanu ku eedeeyay Guddoomiyaha Guurtida Salebaan Maxamuud Aadan(Saleebaan-gaal) inuu yahay dhinac oo aanu dhex u hayn Xisbiyada Qaranka iyo Xukuumadda Siilaanyo.Xildhibaan Cabdicasiisa Booshcadde oo warbaahinta qaar u waramayay, ayuu ka hadlay mawqifkiisa ku aadan shirka wada tashiga Qaran ee ay Asxaabta Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID ku dhawaaqday qabashadiisa waxaa uu yidhi; “Anigu waan taageersanahay shirk wada-tashi Qaran ee ay labada Xisbi Mucaarid qabanayaan, waanan ka qayb-galayaa, waana wax loo baahan yahay in talo laga wada yeesho oo meel la isugu yimaaddo, in talo Qaran la isugu yimaadaana waa mid meesha ku jirta.”

Xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Booshcadde oo ka jawaaayay suaal ahayd sida uu u arko mawqifka uu shirak wada tashiga Qaran ee Mucaaridku wadaan uuiska taagay guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan?,ayaa ku jawaabay; “Horta Guddoomiyuhu toos ayuu dhinac ula saftay oo wuxuu u raacay xukuumadda,xaqna uma laha inuu sharci darro ku tilmaamo shirka Xisbiyadda Qaranku ku dhawaaqeen,waana mid ay xaq u leeyihiin qabashadiisa labada Xisbi Mucaarid,sababtoo ah waxay aystaan kalsoonidii lagu soo dooray shacabka ayaanay metelayaan, mana jirto cid iska hor-taagi kartaa.”“Markaa, waxaan leeyahay Guddoomiye Saleebaan waxaa kula gudboon inaad dhex ka noqoto arrimaha dhex-mara Xisbiyada Qaranka iyo Xukuumadda, haddii kale Guddoomiye Guurti oo dhinac ahi waxay qiimo dhac ku tahay sharaftii Guurtida ee uu Golahani lahaa, taasoo immikaba aan sideedii hore ahayn oo ku milantay Golaha Xukuumadda.” sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cabdicasiis Boosh-cadde.

Waxaanu Xildhibaanka oo talo u soo jeedinaya Guddoomiyaha Guurtida uu yidhi; “Waxaan kula talin-lahaa GudDoomiye Saleebaan inuu ka noqdo qaaddacaadda uu kaga hor-yimi shirka Wada-tashiga Qaran, isla markaana uu taageero shirkaas oo aad loogu baahan yahay.”
Ugu dambayn Xildhibaan Cabdicasiis oo ka hadlayay sida uu u arko inuu u qabsoomi karo shirka Wada tashiga Qaran ee ay ka soo hor jeesteen Xukuumadda iyo Xisbixaakimka KULMIYE.

“Shirkaasi wuu qabsoomayaa, waxaanu u qabsoomayaa waxaa wada labada Xisbi Mucaarid oo haysta aqlabiyaddii dadka, lana soo doortay. Siaa daraaddeed, xaq looguma laha ma qaban kartaan, aniguna Xildhibaan ahaan waan taageersanahay waanan ka qayb-galayaa Shirkaas.” sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Gaaxnuug (Ina Boosh-cadde).

Salaanmedia/ Hargaysa Office Somaliland