Xildhibaanada beelaha Direed oo Qodobo Culus hordhigay Cabdikarim Guuleed iyo Fiqi(xog faahfaahsan)

Xildhibaanada beelaha Direed oo Qodobo Culus hordhigay Cabdikarim Guuleed iyo Fiqi(xog faahfaahsan)

ismaaciil-150x150

Kadib dagaalkii dhawaanahan ka dhacay Lambar 50 ayaa waxaa shir isugu yimid magaalada Muqdisho Xildhibaanada Beelaha Direed, kuwaas oo lagu waday in ay ku iclaamiyaan in ay kalsoonida kala laabteen Dowladda Xasan Culusow.

Madaxdweyne Xasan Culusow oo ka war helay arintaas ayaa u soo diray Wasiirada arimaha gudaha iyo Gaanshaandhiga Cabdixakiim Fiqi iyo Cabdikarim Guuleed si ay ula hadlaan Xildhibaanada beesha Direed.

Xildhibaanadii beelaha Direed oo isu diyaarinaya in ay guda galaan kulankooda ayaa waxaa si lama filaan ah goobta u soo gaaray Labada wasiir.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Direed oo aad uga careysan Magaca dowladda ee lagu gumaadayo beesha Bimaal ayaa weerar afka ah ku qaaday wasiirada, uguna baaqay in ay isaga tagaan goobta waayo waxa ay sheegeen in ay iyaga ka warqabeen weerarka lagu qaaday Lambar 50.

kadib waxaa kulan yeeshay Xildhibaanada Direed iyo Labada wasiir, kuwaas oo is dhaafsaday dood adag,

Xildhibaanada Direed ayaa hor dhigay dowladda in ciidamada Militariga ay yihiin ciidamo beeleed sidaas darteed aysan marna ogolaaneyn in la dhigo deegaanada beesha Biimaal, taas bedelkeedna ay dalbanayaan in la dhigo ciidamada AMISOM.

Sidoo kale Xildhibaanada waxa ay hordhigeen labada wasiir in ciidamada horay ugu joogay Muuri gebi ahaan laga soo qaado, xilkana laga qaado taliyaha ciidamada Militariga dowladda General Indhaqarsho oo bixiyay amarka weerarka lagu qaaday Lambar 50.

Ugu dambeyntii waxa ay xildhibaanad ugu baaqeen in dowladda ay magdhow ka bixiso dadkii maatida ahaa ee u dhashay beesha Biimaal ee maanta ku dhintay ama ku dhaawacmay dagaalkii Lambar 50.

Wasiirada ayaa u sheegay xidhibaanada in arimahaas aysan iyga kaligood aysan go’aan ka gaari karin, sidaas darteed ay kala tashan doonaan Madaxeynaha, ayna ku warcelin doonaan, gaarsiina doonaan wixii dhex maray.

Lama garanayo sida ay u hirgeli doonaan qodobadaas ay hordhigeen xildhibaanada Beelaha Direed Labada wasiir.

Salaanmedia/Mogdisho