Xisbi-xaakimka Kulmiye oo ka hadlay sida Madaxweyne Siilaanyo u arko Hogaanka Guddida qaban-qaabada + Sababta khilaafkooda cidday u tuhmayaan.

image

 

Hargeysa, 14 Nov 2013 (SM)-Xisbi-xaakimka hoggaanka dalka haya ee Kulmiye, ayaa ka hadlay ciddii masuulka ka ahayd xulida Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha, isla markaana faahfaahin ka bixiyay cidda talaabada ka qaadaysa Guddiga abuuray khilaafka ka dhex-aloosan Xisbiga dhexdiisa iyo Madaxweyne Siilaanyo sida uu u arko talaabada Guddigaasi ku dhaqaaqeen. Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbi-xaakimka Kulmiye Jaamac Shabeel, ayaa Guddoomiye ku-xigeenada iyo Xog-hayaha Xisbiga Kulmiye ku eedeeyay inay masuul ka ahaayeen xulida Guddida qaban-qaabada shirka, waxa kale oo uu sheegay in hoggaanka xisbiga iyo Madaxweyne Siilaanyo ka wadahadleen Guddigan iska dhex-doortay xubnihii hagi lahayd arrimaha shirka. Jaamac Shabeel oo xalay khadka Telifoonka ug waramayay Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay in guddigaasi wax hawl ah loo diran, waxaanu tilmaamay khilaafka ay ka dhex-abuureen xisbiga talaabadii laga qaadilahaa laga sugaayo Guddoomiyaha Muuse Biixi Cabdi, waxaanu yidhi.“Guddiga yaa hawl-ba wali u diray, lamana hawl-galin. Maxay Guddigaas isu-yimadaan sharciba maaha.

Hawsha Guddigaas khilaafka ka dhashay waxay u talaa Guddoomiyaha Muuse Biixi oo aanu ka sugaynaa talaabadii laga qaadil ahaa.” Jaamac Shameel oo aanu waydiinay in Madaxweynaha iyo hoggaamiyaasha sare ee xisbiga Kulmiye iska arkeen khilaafka ka dhex-dilaacay xisbiga iyo doorashada hogaanka Qabanqaabada shir-weyna ee khilaafku ka dhex-dilaacay, iyo sharciyadooda ay isku doorteen, waxa uu ku jawaabay. “Madaxweyne Siilaanyo iyo hoggaamiyaasha Xsibiga Kulmiye way iska arkeen khilaafka ka dhex-dhashay Xisbiga Kulmie.

In nimankaas sharci-daro ku talaabsadeen cid walba way arkaysay Madaxweynuhuna Guddigaas waxa uu ka muujiyay dareenkii ku aadanaa oo cid walba way arkaysay. Madaxweynuhu isagu waxa uu danaynaayey inay dhicin wax khilaaf ah. Talaabada laga qaadaayo Guddidan waxay u taalaa Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo aanu ka sugaynaa, markaa talada waa la kala leeyahay.” Jaamac Shabeel oo aanu wax ka waydiinay in hkilafkan ka taagan xisbiga Kulmiye ay gacan kale oo siyaasadeed ku jirto, ayaa sheegay inay tuhunadu iska badan yihiin, waxaanu yidhi. “Tuhunadu way iska badan yihiin. Guddigan waxa nin walba loo keenay oo soo xulay Xog-hayaha iyo Guddoomiye ku-xigeenada oo Guddoomiyuhu wuu ku dhawaaqay oo kaliya. Waxaanu khaladkaasi ka yimi oo iska lahaa.” Geesta kale waxaanu xalay khadka Telifoonka isku daynay innaanu wax ka waydiino halka uu maraayo khilaafka ka dhex-aloosan xisbiga Xisbi-xaakimka talada dalka haya Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbi-xaakimka Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, waxaanu ka gaabsaday inuu ka warbixiyo arrintaas, waxaanu yidhi, “Immika ka hadlimayno oo marka arrintu dhamaato mar ayaanu warbaahinta is-kugu yeedhidoona oo aanu ka warbixin doonaa arrimahaas.” Sidoo kale waxaanu isku daynay innaanu khadka Telifoonka kula xidhiidhno Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, balse noomay suurta galin oo waxa baqtiisanaa Telifoonkiisa.

Dhinaca kale waxa xalay war-saxafadeed uu ku saxeexan yahay Xoog-hayaha Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid, ayaa beeniyay war sheegayay in Guddiga fulinta ee xisbigaasi ay go’aamo ay soo saareen u gudbiyeen Madaxweynaha Somaliland, isla markaana waxa hawada isku sii shareeraaya khilaafka ka dhex-taagan hoggaamiyaasha Xisbiga iyo Guddiga loo xulay qaban-qaabada shir-weynaha fooda inagu soo haya ee ku began bisha December. War-saxaafadeedka uu soo saaray xog-hayaha Xisbiga Kulmiya, ayaa u dhignaa sidan:- “Waxa jiray war aan sal iyo raad toona lahayn oo lagu daabacay wargayska Waaheen oo lagu sheegay inay kulan isugu yimaadeen Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE , isla markaana go’aamo ay ka soo saareen u gudbiyeen Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).” Xasan Siciid waxa kale oo uu sheegay in Xisbiga Kulmiye cadaynaayo innaanay jirin shir ay is-kugu yimadeen Guddiga fulinta ee xisbiga Kulmiye, waxaanu yidhi.“Haddaba waxa uu xisbiga KULMIYE halkan ka cadaynayaa in aanu habayaraatee jirin shir ay isugu timi Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE oo ka dambeeyay kii qabsoomay 25/October/2013 oo ay ku goysay in tirada ergooyinka shir-waynaha 3-aad ee xisbigu noqoto 801 ergay.” Read more: Xisbi-xaakimka Kulmiye oo ka hadlay sida Madaxweyne Siilaanyo u arko Hogaanka Guddida qaban-qaabada + Sababta khilaafkooda cidday u tuhmayaan.

Salaanmedia/Hargaysa

Ogaalnews