Xoghayaha Guud Ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland Oo Ka Hadlay Shirkii Madaxda Saxafada Afrika Oo Lagu Soo Qaaday Cabudhinta Saxafada Somaliland

5

Nov 14,2013 Hargaysa(SM)-a ayaa kulankooda sanadlaha ah koodii lixaad ee sanadkan ka dhacay 6-8 November 2013 caasimada dalka Ethiopia addis ababa oo ay kasoo qayb galeen 1073 waxay diirada ku saareen la dagaalanka cabudhinta saxaafada madaxa banaan ay ku hayaan hogaamiyayaasha siyaasada ee wadamada qaarada afrika iyo sidoo kale kobcinta dhaqan dhaqaale ee saxaafda afrika

Kulankan waxay hogaamiyayaasha iyo madaxda warbaahinta afrika intii ay ku gudo jireen hoosta ka xariiqeen xeerarka Cusub ee lagu cabudhinayo saxaafada madaxa banaan ee qaarada afrika gaar ahaan ka hada xukuumada kiiniya u gudbisay baarlamaanka in dhamaantiiba la laabo oo loo daayo koodii hore arintaana laga dalbado madaxwaynaha Kenya oo shirkaa ku qornaa inuu kasoo qayb galayo kuna qornaa qudbada maalinta8/nov/2013 wallow uu ka baaqday kasoo qayb galka kulankaa oo uu usoo wakiishay m/wayne xigeenkiisa dalka kiiniya,
Waxaa kale oo hogaamiyayaasha iyo madaxda warbaahinta afrika ugu baaqeen raysal wasaaraha dalka Ethiopia oo kulankaa furitaankiisa kasoo qayb galay inuu xoriyadoodii usoo celiyo Suxufiyiinta dalka Ethiopia ku xidhan. .

Inkastoo Somaliland aanay la mid ahayn wadamada kakan ee qaarada afrika ee ku adag haysashada xadhiga mudada dheer ee Suxufiyiinta hadana qaar ka mida qododbada ajandaha shirka ee sanadkan waxaa ka mida qaar si gaara u taabanaya warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland sida xeerarka laga dhawaajiyay ee hogaamiyayaasha siyaasada ee afriki qaarkood la maagan yihiin inay ku dabraan saxaafada madaxa banaan iyo xoriyada hadalka.
Xoghayaha guud ee ururka Suxufiyiinta Somaliland maxamed –rashid muxumed faarax oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii saxaafda qaarada afrika ee kulanka sanadkan ka qayb galay waxaa uu ka warbixiyay waxyaabihii shirka lagaga hadlay sanadkan,waxyaabihii kasoo baxay iyo sidoo kale doorka ama fursadaha uga banaan saxaafada Somaliland isagoo arimaha ka warbixinayaa waxa uu tilmaamay in kulanka sanadkan diirada lagu saaray arimo dhawra oo isugu jiray in la darso ama la ogaado kaalinta warbaahinta afrika ku leedahay horumarka qaarada iyo caqabadaha saxaafada afrika kaga yimaada madaxda dalalkooda sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday in la dhiiri galiyo sidii loo maal-galin lahaa ururada iyo hayadaha warbaahinta madaxa banaan ee afrika iyo Suxufiyiinta afrika.

 

Sidoo kale saaxafada iyo Suxufiyiinta afrika inay door wayn ka qaataan wacyi galinata arimaha bulshooyinka afrika sida wax soo saarka beeraha ,caafimaadka ,waxbarashada ,biyaha iyo waxyaabaha nolosha ee aasaasiga
Geesta kale xoghayahu mar uu ka hadlayay arimaha ajandahaas lagu soo qaaday ee sida gaarka ah u taabanayay warbaahinta Somaliland wuxuu xusay in ajandaha shirka ay ka mid ahayd duruufaha sida gaarka ah ay saxxafda Somaliland ula qaybsanaysay warbaahinta madaxa banaan ee afrika kaas oo ahaa ka hor taga iyo la dagaalanka xeerarka cusub ee lagu cabudhinayo saxaafada madaxa banaan ee afrika ee hogaamiyayaasha siyaasada ee dalalka qaarada afriki dabada ka wadaan taaas oo ah marka la barbar dhigo marxalada maanta Somaliland ka taagan ta wadanka kiiniya ka taagan oo ay dhacday sida Somaliland maanta ka jirta in xukuumada kiiniya sidoo kale u gudbisay dhawaan baarlamaankeeda xeer lagu cabudhinayo saxaafada madaxa banaan ee Dalkaas oo ka mid ah marka Somaliland laga reebo wadamada qaarada afrika ay ka jirto xoriyada saxaafadu sidaas darted Xeerkaas lagu bedelayo koodii hore ama lagu kaabayo xeerkoodii hore saxaafada kiiniya ayay warbaahinta dalkaas iyo ta Somaliland-ba dhawaaq dheer ku sheegeen in ay kasoo horjeedaan wax ka badalka xeerar koodii hore iyo samaynta xeerar cusub oo lagu cabudhiyo xoriyada hadalka iyo saxaafada madaxbanaanideeda ee dalalkooda kiiniya iyo Somaliland-ba
ugu danbayn wuxuu xoghayahu sheegay in shirkaa Somaliland uga qayb galeen Suxufiyiinta kala ah maxamed xusseen jaamac Rambo tifaftiraha geeska afrika maxamuud cabdi jaamac xuuto gudoomiyaha wargayska waaheen iyo muha daahir farad jire

Salaanmedia/Hargaysa Office Somaliland