Yaxaas dad badan ku xasuuqay Jowhar, iyo cabsi xoog leh oo ka jirta halkaas.

Yaxaas

Maamulka Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha dhexe, ayaa faah-faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay fatahaad wabiga Shabeele uu ka geystay deegaano hoostaga Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha dhexe.

Guddoomiyaha Degmada Jowhar Maxamed Amiin Caqiil, oo la hadlay Idaacada BBC, ayaa sheegay in fatahaada Wabiga uu ka geystay deegaanka Baareey ay sababtay geerida todobo ruux iyo barakaca qoysas gaadhaya ilaa 11-kun oo qoys.

Wuxuu sheegay in dadka geeriyooday ay isugu jiraan qaar ay cuneen yaxaaska wabiga iyo kuwa biyaha ku geeriyooday, maadaama fatahaada wabiga uu geystay uu ahaa mid aad uxoogan.

Guddoomiye Caqiil ayaa xusay in ay isku dayeen dhowr mar inay xidhaan oo xitaa Hay’adda ICRC ay iskudayday inay xidhto, balse meel kale ay biyaha ka baxeen oo dhibaatada intaa la’eeg ay shacabka ugeysteen.

Dhibaatada ka taagan Gobalka Shabeelaha dhexe, ayuu sheegay inay tahay kaliya fatahaada Wabiga oo 33-tuulo oo Jowhar hoostaga dadkii ku noola ay halkaasi isaga barakaceen,isaga oo xusay in dadka ay yihiin danyar oo danleey ah.

Ilaa hada majirto ayuu yiri kaalmo cad oo la taaban karo oo lasoo gaarsiiyay shacabka Shabeelaha dhexe, ee la murugoonaya fatahaada Wabiga Shabeelaha Dhexe uu kawado Gobalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa fatahaada Wabiga Shabeelaha Dhexe, ku tilmaamay musiibo qaran, waxaana uu ugu baaqay Hay’adaha gar-gaarka in gurmad lala gaaro shacabka Shabeelaha dhexe.

Salaanmedia/Mogdisho