Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Sierra Leone iyo Jubba oo qarax lagula eegtay Magaalada Kismaayo

newslogo2 Kolonyadaan oo ka soo amba baxday Madaxtooyada Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa qaraxaan lagula eegtay Xaafadda Faanoole ee Magaalada Kismaayo. Qaraxa, ayaa waxaa gaar ahaan kolonyadaan lagula eegtay wadada Saadaam 2 ee Magaalada Kismaayo, waana halkii qaraxa ismiidaaminta lagula eegtay kolonyadii Sheekh Axmed Madoobe. Muddo seddex bilood laga jooggo.

Warar kala duwan, ayaa waxay ka soo baxayaan in kolonyadaan uu la socday Madaxa Maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) iyo in kale.

Wararka, ayaa waxay intaasi ku darayaan in kolonyadaan oo ku sii jeeday Garoonka Axmed Gurey ee Magaalada Kismaayo, in ay horey u sii amba qaadeen socodkoodii. Qaraxaan, ayaan maanta wax badan ka bedelin xaaladii caadiga ahayd ee Magaalada Kismaayo, ka gadaal markii aynaan wax rasaas ah furin Ciidamadii la socday, kolonyadii qaraxa loola dan lahaa. Ciidamada Amisom iyo kuwa Maamulka Jubba, ayaa waxaa looga bartay in ay dhowr jiho rasaas u furaan, kolka qaraxyada lagula beegsado Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Magaalada Kismaayo.

Salaanmedia/Mogdisho