War Muurtiyeed uu soo Saaray Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen ee Xisbiga UCID

image 

War Muurtiyeed uu soo Saaray Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen ee Xisbiga UCID Iyo Fariimo uu u kala Dirayo Xukuumadda , Golayaasha iyo Shacabka Somaliland 

Waa lagama-maarmaan in la dhowro geeddi socodka nabadda iyo dumuqraadiyadda S/land, waana waajib saaran dhammaanteenba in aynu meel uga soo wada jeedsano jiritaanka iyo adkaynta qaranimadan curdinka ah ee S/land.

 

  • Waa ayaan darro ah in 23 sano kadib ay cidiidhi casho dhowrista xuquuqda shakhsiga ah ee muwaadiniinta S/Land loona geysto xadgudubyo badan iyo xadhig aan loo marin sifadii sharciga ahayd;
  • Waa ayaan darro in 23 sano ka dib shacabka S/land la kulmaaan cabudhiskii ugu cuslaa ee la saaro saxaafadda iyo xoriyatul qowlka iyo in la horkeeni waayo sharciga dadkii geystay fal-dambiyeedyo iyo weeraro aan qarsoodi ahayn;
  • Waa ayaan darro in 23 sano ka dib, ay S/land ka dhacdo awood sheegasho aan dastuurka waafaqsanayn iyo dhaqamadii kalitalisnimada “Dictatorship”;
  • Waa ayaan darro in ciidamada amniga loo adeegsado sifooyin aan sharci ahayn shacabka oo si nabada u muujinaya dareenkoodana lala dulmaro xoog ciidan,
  • Waa ayaan darro 23 sano kadib in la waayo caddaalad loo siman yahay iyo wax wada lahaansho;
  • Waa ayaan darro in dhalinyaradeenii ku dhammaanayaan tahriib markay arkeen rajo xumada ka muuqata hannaanka maamul iyo mustaqbal xumada ku soo fool leh S/land;

 

Amuurahaas oo dhami waxay halis ku yihiin jiritaanka iyo qaranimada S/Land, waa horumar la’aan, waa rajo beel, waa cadaadis iyo dhaqamadii uu shacabkani ka dagaalamay, waa mid u baahan ka hortag iyo in laga yeesho aragti isu-mida, waxaana lagama maarmaan noqotay inaan u gudbiyo fariimo Xukuumadda, Golayaasha Wakiilada iyo Shacabka S/Land:

 

FARIINTA XUKUUMADDA:

Waxaan jeclahay inaan xusuusiyo waajibaadkooda oo ku soo ururaya ilaalinta sharciga, waxan leeyahay:

 

  • Xusuusta in aad ku timaadeen sifo dimuqraadiya iyo doorasho la idinku doortay markii aad ugu baaqdeen shacabka S/Land ballana ugu qaadeen in aad ka fiicnaan doontaan Xisbigii UDUB, shacabkuna codkii idin siiyey laakiin aydaan ku iman xoog iyo ciidan.
  • Xusuusta in aad dhowrtaan sharciga aad kufadhidaan, dib isu saxa oo ka wantooba kutumashada sharciga, taasaa dantu ku jirtaaye;
  • Xusuusta in aan shacabka S/land xoog lagu kasbanayn, xoogga iyo cabudhiskuna aanu xal idiin noqon doonin balse uu soo dedejin doono isbeddelka shacabku u ooman yahay;
  • Xusuusta in aad ku dhaarateen kitaabka quraanka ah in shacabkan aad ku dhaqi doontaan sharci, ilaahayna la idinku xisaabin doono;
  • Xusuusta in aanaan ka hadhayn tacdiyada loo gaysanayo xuquuqda muwaadiniinta ee aanu gaadhsiin doono, caalamka iyo hay’adaha ku shaqada leh ilaalinta xuquuqal insaanka.

 

FARIINTA GOLAYAASHA:

Shacabka S/Land wuxu udoortay Golaha Wakiiladu in ay dabar u noqdaan xukuumadda hase yeeshee Xukuumaddu in ay dabarka goosato waxaa u saamaxay Golayaasha Sharcidejinta gaar ahaan Golaha Wakiiladda.   Waayo haddii ay sharciyadda ku ilaalinayaan xukuumaddu dabarka ma goosateen.

 

Waxaan xasuusinayaa mudanayaasha golaha wakiilada, in laga soo doortay gobolada dalka, in ay matalaan shacabka S/Land, ha u qaadanina inaad u soo shaqo tagteen kursiga aad fadhidaan.  

 

Waxan idin xusuusinayaa inaad gudataan waajibkaad u qaaddeen shacabkan oo ah dhowrista iyo ku dhaqanka dastruurka. 

 

Mudanayaasha xalaasha ah ee faro ku tiriska ah ee u damqanaya danta dadka iyo dalka, waxaan leeyahay shacabka S/Land wuu idiin aqoonsanyahay sharafka iyo karaamadiinuna way jiri doontaa if iyo aakhiroba; inta kalana waxan ugu ducaynaynaa in ilaahay garansiiyo gudashada waajibkooda, waayo dalka iyo dadkaba lexejeclo ayaan u qabnaa mana rabno in dhibi ku timaad jiritaanka iyo geedi socodka dimuqraadiyadda iyo hanaanka maamul ee S/land.  Waxaa hubaal ah in taariikhdiinu qormayso oo aanu shacabku saamixi doonin wixii kaga lumay ama kaga luma xilka wakiilnimo.

 

FARIINTA SHACABKA

Shacabka S/land sharaf buu mudan yahay, amniga iyo kala dambayntuna xaggooda ayay mar walba ka jirtaa waxaanan ugu baaqayaa xoojinta nabadda, hase yeeshee waxaa lagama maarmaan ah, in sifo nabad ah lagu muujiyo dareenka shacabka.  

 

Cabashadii shacabku waxay maraysaa halkii ugu sarraysay, waxaa cidiidhi ku jira xorriyaddii muwaadiniinta, waxaa afaaf dhaafay caddaalad darro, awood sheegasho iyo sharci la’aan keentay in ubadkeenii  rajo xumada u muuqata darteed ku dhammaanayaan tahriib.

 

Waxaa la inagu tijaabinayaa in aan qaadan karo iyo in kale dhaqanno aynu ka soo gudubney “Ma wax la qaadan karaa baa in maanta oo 23 sano aynu nabad iyo dimuqraadiyad iyo sharaf ku noolayn in la inagu soo rogo WARQAD DHAQDHAQAAQ? Jawaabtu waa maya, waana lagama maarmaan in shacabku muujiyo dareenkooda.


Sidaa darted waxaan ku boorinayaa dhammaan shacabka, gaar ahaan dhalinyarada iyo bahda aqoonta oo ah mustaqbalka ummaddani leedahay in ay xoojiyaan banaanbaxa iyo mudaharaadka uu ku baaqay Musharaxa Xisbiga Caddaaladda & Daryeelka (UCID) Aqoonyanhan JAMAAL CALI XUSEEN, oo dhici doona maalinta xuquuqul inshaanka oo ku beegan10ka bishan Dec’13.


Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa jaaliyaddaha debedda gaar ahaan inta taageersan dhowrista xuquuqda aadanaha in ay xusaan maalintan kana hadlaan dareenkooda, uguna baaqaan xukuumadda uu Hoggaaminayo Mudane Siilaanyo in dhaqamada noocan ahi haddii ay sii socdaan ay halis ku keeni karto jiritaanka Qaranimada

 

Xisbiga Caddaalada iyo daryeelku wuxu isu soodubaridii doonaa tacaddiyaddii dalka ka dhacay 6 – 12 kii bilood ee u dambeeyey oo lasoo bandhigi doono.

 

Ilaahaybaa mahadleh – S/LAND GUUL.


C/Rashid Xasan Mataan

MUSHARAXA M/W/Xigeenka UCID