Ciidamada Itoobiya oo bilaabay in ay madaafiic ku garaacaan Degmada Buurdhuubo, oo ay Al Shabaab ka taliso

  ethiopian_army Wararka ka imaanaaya Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo, ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Militariga ee Dowladda Itoobiya, ay maanta madaafiic ku garaaceen Degmada Buurdhuubo. Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed, ayaa waxay maanta ku dhaqaaqeen Deegaanka Birta Dheer oo 11km u jirta Magaalada Garbahaarey. Iyadoo duhurnimadii ilaa galabta halkaasi laga maqlaayay madaafiic, ay is weydaarsanayeen Ciidamada Dowladda, oo garab ka helaaya Ahlu Sunna iyo Xoogaga Shabaab oo dhinac ah. Waxaa soo baxaaya wararka sheegaaya in tiro ka tirsan Ciidanka Itoobiya, oo kaabaaya Ciidamada Dowladda & Ahlu Sunna, ay madaafiic ku garaaceen Degmada Buurdhuubo. Ciidamada Itoobiya, ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay jiidayaan madaafiicda goobta gaashaaman iyo weliba hubka ridada dheer ee BM-ka. Haweeney kamid ah dadka Deegaanka, oo diiday in magaceeda la soo xigto, ayaa waxay sheegtay in madaafiic xoogan ay ku soo dhacday qaybo kamid ah Degmada Buurdhuubo, ayna ku dhaawacmayn ilaa afar ruux oo rayid ah. Haweeneydaan, ayaa waxay intaa ku dartay in xaalad kacsanaan leh ay ka jirto Degmada Buurdhuubo. Maadaama goobta lagu dagaalamaayo ee Birta Dheer, ay ku taalo inta u dhaxeyso Garbahaarey iyo Buurdhuubo. Gudoomiyaha Magaalada Garbahaarey ee Maamulka Gobolka Gedo Iimaan Cadow Kaarshe, oo maanta la hadlay Idaacadaha Magaalada Muqdisho qaarkood, ayaa sheegay in uu bilowday hawlgalkii Gobolka Gedo ee looga saaraayay waxa uu ugu yeeray nabadiidka, isla-markaana ay soo gaba gabeen doonaan, sida uu yiri. Afhayeenka Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq “Al Qaadi”, ayaa wuxuu dhankiisa uu sheegay in la gaaray waqtigii Shabaab laga xorayn lahaa Gobolka Gedo. Salaanmedia/Mogdisho

Â