“Anniga Haddii Xilkaa (Raysal-wasaaraha Soomaaliya) La ii Igmado Waa Masuuliyad Culus Oo Aan Diyaar U Ahay” Ismaaciil Hurre Buubaa

Buubaa

(SM-Muqdisho) – Ismaaciil Hurre Buubaa, oo ah siyaasi dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, isla-markaana aaminsan Mabda’a Soomaali-weyn,  xilal badan ka soo qabtay dawladihii ku meel-gaadhka ahaa ee Soomaaliya soo maray ayaa balan-qaaday inuu si xilkasnimo ah uga baxayo shaqadiisa haddii loo magacaabo Raysal-wasaaraha cusub ee dawladda Federaalka Soomaaliya.

Ismaaciil Hurre Buubaa, oo maanta u waramay Mareegta Somali Memo, ayaa sidoo kale ka hadlay xil ka qaadistii Baarlamaanku ku sameeyeen Raysal-wasaaraha xilka ka degaya ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), waxaanu guul ku tilmaamay in Baarlamaanku xalliyeen khilaafaadkii Madaxwaynaha iyo Raysal-wasaaraha.

Ismaaciil Hurre, oo ugu horeyn ka hadlaya xil ka qaadistii Saacid, ayaa yidhi “Waa Markii ugu horeysay ee is-qabqabsiga siyaasiyiinta lagu dhameeyo xal gudaha dalka ah, dhinacaa marka laga eego waa guul, baarlamaankuna shaqadiisii si wanaagsan ayuu uga soo baxay”

Ismaaciil Hurre Buubaa, oo la waydiiyay in Saacid ku cawday in Baarlamaanku dhageysan waayeen, ayaa ku jawaabay “Baarlamaankeenu kama duwana Baarlamaanada kale ee adduunku siday u dhaqmaan, Mooshin marka la keenana cidda Mooshinka keenta ayaa ka hadasha, ka soo qaad haddii xukuumaddu Mooshinka soo hordhigto Baarlamaanka, iyada ayay tahay inay ku qanciso Baarlamaanka inay ku qanciso Mooshinka ay soo hor-dhigto, laakiin tani way ka duwan tahay oo waa Mooshin ay xildhibaano baarlamaanka ka tirsan soo gudbiyeen oo ay leeyihiin dawladdu shaqadeedii way qaybsan wayday, cidda markaa looga baahan inay caddayso oo baarlamaanka hor-dhigaan waa ciddii Mooshinka keentay” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isaga oo ka ka jawaabay sy’aal nuxurkeedu ahaa in Mooshinkii lagu riday Saacid uu Madaxwaynuhu ka dambeeyay “Madaxwaynuhu xaq dastuuri uma laha inuu casilo Raysal-wasaaraha, laakiin talo ayuu ku leeyahay inuu yidhaahdo anniga sidaa ayay ila tahay inaad yeesho (Raysal-wasaarahow), arrintuna sidaas ayay ahayd, laakiin inuu xilkaa sii hayo iyo in kale waxay saaran tahay ciddii u igmatay oo Baarlamaanka ah”

 

Ismaaciil, oo la waydiiyay inuu safka hore kaga jiro dadka la filayo in xilka Raysal-wasaaraha Soomaaliya loo Magacaabayo, ayaa ku jawaabay “Arrintaasi waa arrin u taala Madaxwaynaha iyo Baarlamaanka, Anniga haddii xilkaa (Raysal-wasaaraha Soomaaliya) la ii igmado waa masuuliyad culus oo aan diyaar u ahay inaan si hufan oo xil-kasnimo iyo Waddani-nimo ku jirto uga soo baxo”ayuu yidhi.

Salaanmedia/Hargaysa