Aqoonyaha Siciid Cumar Axmed (Siciid UCID)oo loo magacaabay Wakiilka Socialist International (SI) iyo Midawga Yurub (EU) ee Xisbiga UCID

ucid

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa Gudoommiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe dhawaan soo saaray wareegto uu ku magacaabayo Siciid Cumar Ahmed oo ah aqoonyahan reer Somaliland ah deganaa dalkan Ingiriiska,kana mid ah asaasayaashii Xisbiga UCID.Siciid waxa uu khibrad weyn u leeyahay hawlaha arimaha dibada iyo guud ahaan siyaasadda Somaliland.Nuqulkii oo nasoo gaadhay waxa uu u qornaa sidan.

JAMHUURIYADDA SOMALILAND REPUBLIC OF SOMALILAND

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka UCID

Justice and Welfare Party حزب العداله والرأفة

Ref/UCID/944/2013 Date: 07/12/2013 Uj: Xil-Magacaabis Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID markuu arkay baahida wayn ee loo qabo in la magacaabo Waliilka Socialist International (SI) iyo Midawga Yurub (EU) ee Xisbiga UCID, Markuu Xisbiga UCID ku qancay kartida iyo wax-qabadkiisa waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 07/12/2013 u magacaabay Wakiilka Socialist SI iyo Midawga Yurub ( EU) ee Xisbiga UCID Md. Siciid Cumar Axmed. Isla markaana la faray in hawshiisa si dhakhso ah uu u bilaabo kana soo baxo waajibaadka loo igmaday. Waxaanu Illaahay uga baryaynaa in uu u fuduudeeyo hawsha loo dhiibay.

ALLA MAHAD LEH

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng, Faysal Cali Waraabe

UCID