Ban-Kimoon oo Philippe Lazzarini umagacaabay kuxigeenka Wakiilka QM ee Soomaaliya iyo Somaliland

image

 

Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon ayaa u magacaabay Philippe Lazzarini Kuxigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay uqaabilsan dalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ban Kimoon ayaa waxaa lagu sheegay in Philippe Lazzarini oo udhashay dalka Switzerland laga dhigay kuxigeenka Nichlos Kay oo ah Wakiilka QM uqaabilsan arimaha Soomaaliya.

Mr Philippe Lazzarini ayaa hada wuxuu yahay madaxa arimaha gar-gaarka ee Qaramada Midoobay dalka Soomaaliya waana ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay dalka Soomaaliya.

Wuxuu howlgali doonaa maalinta Berito ah oo si toos ah xafiiska uqaban doonaa, kadib magacaabistiisa Philippe Lazzarini.

Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa la hirgeliyay bishii May, kaasi oo la sheegay in loogu talo galay in lagu caawiyo dowlada Federaalka Soomaaliya.

Mr. Lazzarini, ayaa ahaa isku duwaha arimaha aadanimada iyo wakiilka UNDP ee Soomaaliya tan iyo sanadkii March ee sanadkaan maanta ku eg ee 2013, waxaana uu sii heyn doonaa shaqooyinka uu ka haye Soomaaliya, sida lagu sheegay warka qoraalka ah.

Sidoo kale Lazzarini, ayaa soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin Hay’ada ICRC ee koonfurta Sudan, Beirut, Amman Gaza Bosnia, Angola iyo Rwanda.