BOOQASHADII XILDHIBAAN MUBAARIK YUSUF CILMI ( Bidhi ), ee CARDIFF iyo BRISTOL CARIGA INGIRIISKA

image
Waxa martiqaad rasmi ah ku yimi  xarunta dawladaha hoose ee magaalada cardiff ee cariga ingiriiska maalintii shalay 05/12/13 , xildhibaan Mubaarik Yusuf Cilmi ( Bidhi ) oo ka tirsan xildhibaanada golaha degaanka ee magaalo madaxda gobolka togdheer ee Burco, martiqaadkaas oo uu u fidiyay,  Xildhibaan Cali  Axmed , oo ka tirsan xildhibaanada golaha dawladaha hoose ee magaalada cardiff, isagoo halkaas si qiimo iyo qaaya leh ugu soo dhaweeyay xildhibaan Mubarak , isagoona si fiican ugu iftiimiyay shaqo maalmoodkooda, una tusay si hagar la’aan. xafiis xafiis siday uga socoto shaqada dawladaha hoose, markaa ka bacdi waxa xildhibaan BIDHI, shir la galay qaar ka mid ah xildhibaanada dawladaha hoose ee magaalada cardiff ,waxana shirkaa lagu gorfeeyay sidii xidhiidh joogta ah loogu samayn lahaa dawladaha hoose ee magaalada cardiff iyo golayaasha degaanka ee somaliland gaar ahaan golaha degaanka ee magaalada Burco,
image
Shirkaasina wuxuu ku dhamaaday guul iyo is afgarasho.Xildhibaan Mubarak ( Bidhi ), isagoo weli ku guda jira booqashadiisii shaqo ee uu ku marayay WALES & WEST ,waxa maanta 06/12/13, laga soo dhaweeyay xarunta dawladaha hoose ee magaalada BRISTOL, halkaas oo uu ku tegay martiqaad uu ka helay, Xildhibaan Hibaq Jamaac, oo ka tirsan xildhibaanada dawladaha hoose ee magaalada Bristol.
 Xildhibaan Mubarak ( Bidhi ), waxa uu halkan uga mahad celinayaa bahda TVga qaranka xaruntiisa cardiff , Somali Integration Society ( SIS ) oo hawshan iyagu hormood ka ah, iyo aqoonyahan Cabduraxman Doodi, oo dhamaantood si fiican uga qayb qaatay  soo dhaweyntii iyo fududeyntii booqashada xildhibaanka ee magaalada cardiff .
WABILAAHI   TAWFIIQ.
Maxamuud Ducaale
Cardhiff