Daawo Sawiro….Guddoomiyaha Barlamaanka Somaliland ahna G Xisbiga Waddani oo Jig-jiga Lagu soo dhaweeyey.

Hogaamiyaha Golaha Wakiilada Iyo Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Ayaa Wafti Miisaan Culusi Kaga Horyimid Magaalada Wajaale Loona Galbiyey Magaalo Madaxda Dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia

 13

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (CIrro) ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyey caasimadda Dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay dhigiisa Dalka Ethiopia oo ku martiqaaday ka qaybgalka xuska maalinta qoomiyadaha Ethiopia oo sannadkan loo asteeyey in lagu qabto magaalada Jigjiga ee dawlad deegaanka somalida Ethiopia.

14

Gudoomiyaha golaha wakiilada ayaa waxa magaalada xuduudka ah ee wajaale kaga hor yimid wafti culus oo isugu jira Heer Fadaraal iyo heer deegaan ee dawladda Ethiopia, halkaas oo laga galbiyey gudoomiyaha golaha wakiilada ahna gudoomiyaha xisbiga waddani.

12

Gudoomiyaha ayaa magaalo xuduudeedka u dhaxaysa Ethiopia iyo Somaliland waxa kaga hor yimid Madaxweyne ku xigeenka Dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia, Wasiirka Beeraha Dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia iyo 10 xildhibaan oo ka socda baarlamaanka Fadaraalka Ethiopia halka amaanka waftiga gudoomiyahana uu sugayey taliyaha qaybta magaalada jigjiga oo si gaar ah loogu soo xilsaaray ilaalinta amaanka waftiga gudoomiye cirro.

Gudoomiyaha ayaa markii uu soo gaadhay magaalo madaxda Dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia waxaa halkaas kusoo dhaweeyey dadweyne loo diyaariyey soo dhaweynta gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Gudoomiyaha golaha wakiilada ayaa magaalo madaxda Dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia kaga qaybgalidoona maalinta qoomiyadaha dalka Ethiopia isaga oo ku sugnaan doona muddo saddex cisho ah.

Maalintan qoomiyadaha dalka Ethiopia ayaa si joogto ah loogu soo marti qaadaa gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga waddani Md.Cabdiraxmaan Cirro, isaga oo gudoomiyuhu sideedii sanno ee uu ahaa gudoomiyaha golaha wakiilada si joogto ah uga dhex muuqday maalintan shucuubta dalka Ethiopia ku qaaliga ah.

Dibloomasiga hogaamiya golaha wakiilada iyo xisbiga mucaaridka ah ee waddani ayaa xidhiidh dhaw oo furfuran la leh dawladda dalka Ethiopia oo inta badan ah dalka koobaad ee Somaliland la saaxiibka ah isla markaasna xidhiidh fiican la lahayd intii Somaliland jirtay.

 

Waftigan miisaan culus ee soo dhaweeyey gudoomiyaha golaha wakiilada ayaa astaan u ah xidhiidhka dhaw ee Gudoomiyaha golaha wakiilada la leeyahay dawladda Ethiopia iyada oo gudoomiyahana lagu sifeeyo dibloomaasi ku xeel dheer abuurista saaxiibo caalami ah.

Salaanmedia/Hargaysa