Daawo Sawiro:Kulankii ugu balaadhnaa ee ka dhacay London oo lagu soo dhaweynaayey Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade.

 IMG_6744
Habeenimadii Salaasadii oo ay taariikhdu ahayd 10/12/2013, waxaa ka dhacday Galbeedka magaaada London xaflad si heer sare ah loo soo agaasiamay, soona qaban-qaabiyeen hablaha reer London oo ay ka mid ahaayeen Seraad Muuse Wasame, Xarakaad Caare , Aamina Cumar Qooblow iyo Hablo kale oo reer Somaliland ah oo qayb weyn ka qaatay.Xaflada oo ujeedadu ahayd soo dhawayn  casho sharaf lagu soo dhaweeyey Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade oo maalmahanba ku sugnaa magaalada London.
IMG_6835
Waxa madashaas ka soo qayb galay danjiraha Somaliland u fadhiya UK Ambassador  Cali Aadan Cawaale, Agaasimaha Telefishanka qarranka SL ee Europe Mudane Cabdiraxmaan Aadan Dheri, madaxda jaaliyada Somaliland ee West London Community, iyo dhamaan qaybaha bulshada kala duwan ee Somaliland oo deggan London iyo nagaaxigeeda.
IMG_6772
Ugu horayntii waxaa Aayado Quraana kadib madasha hadalo qiime leh ka soo jeediyey madaxdii  kala duwaynd ee ka soo qab gashay xaflada iyo isugu jirtay Haweenkii soo abaabulay iyo qaar ka mid ah madaxdii kulanka casho sharafta kasoo qayb galay.Waxa ugu Horeyn khudban kooban soo jeediyey safiirka Somaliland ee UK Cali Aadan Cawaale madalo kooban soo jeediyey sheegayna in kulanka Sabtida 14.12.13 dhici doona uu wasiirku la hadli doono bulshaweynta reer Somaliland waxa uuna kusoo dhaweeyey ku soo dhaweeyey Wasiir Warancade  oo ku bilaabay mahadnaq uu u soo jeediyey gabdhihii ka soo shaqeeyey xalfladan quruxda badan, intaas waxa uu ku daray  waxooga yar oo warbixin ah oo ku saabsan socdaalkiisa iyo wadankiiba  waxa uuna Wasiirku sheegay in kulanka  Habeenimada Sabtida soo socota in uu si balaadhan oo xoog waran ah uu uula kulmayo dhamaan  Jaaliyada SL ee wadankan UK oo ka dhici doonta Malgaaladan London, Kulanka waxa kale oo Tacsi loo direy Madaweynahii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo hooyadii ku geeriyootay Magaaladda Boorama Illahay ha u naxariisto.
IMG_6845
Waxay xafladii ku soo kusoo dhamaatay jawi aad u qurux badan oo dhamaan kasoo qaybgalayaashii ay salaan iyo soo dhaweyn weyn u muujiyeen Wasiirka.
Lasoco Muqaal hadaladii wasiirku kulanka kasoo jeediyey oo kooban.
IMG_6753
Salaanmedia/London
www.salaanmedia.com
IMG_6728  IMG_6749 IMG_6757 IMG_6761 IMG_6764 IMG_6767 IMG_6783 IMG_6787 IMG_6788 IMG_6789 IMG_6790 IMG_6796 IMG_6800 IMG_6827 IMG_6828 IMG_6831 IMG_6843 IMG_6844 IMG_6851 IMG_6852 IMG_6857 IMG_6862 IMG_6863 IMG_6865 IMG_6868 IMG_6869 IMG_6872 IMG_6878 IMG_6879 IMG_6881 IMG_6882 IMG_6884 IMG_6888 IMG_6892 IMG_6894 IMG_6896 IMG_6898 IMG_6901