Foosiya Yuusuf Xaji Aadan oo la kulantay Gudoomiyaha Baanka Bred (Daawo Sawirada)

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia, Marwo Fowzia Yusuf H. Adam oo ka qeybgaleysa shirka looga hadlaya arrimaha amniga iyo nabada Afrika oo uu marti geliyey Madaxweynaha Fransiiska Francois Hollande ayaa kulan gaar ah la qaadatay Guddoomiyaha Bankiga Bred, Mr Steve Gentili oo ay ka wada hadleen sidii arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya ay u noqon lahaayeen kuwo horumar sameeya.

Fowzia ayaa tidhi “Dar-dargelinta soo kabashada dhaqaalaha iyo ganacsiga waxey sii xoojineysaa ciribtirka kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya.”

“Waxaan ku dhiiri gelinayaa maalgashatada caalamiga ah in Somalia ay maanta ka jirto fursad ganacsi oo ay ka soo kabaneyno collaadihii hore. Dadka Soomaaliyeedna waa kuwa aad ugu dhuun duleela ganacsiga oo mudadii koobneyd ee nabaddana ay ka muuqato dalka sida ganacsigii ugu soo laabtay. Sidaas daraadeed ganacsatada caalamka iyo shirkadahoodaba fursadan jirta waa inay ka faa’iideystaan.”

Arrimaha ay Fowzia kala hadashay Steve Gentili waxaa ka mid ahaa dib-u-habeynta maaliyadda Soomaaliya ee socota, fursadaha ganacsiga jira oo Fransiiska ka faa’iideysan karaan iyo hindise sharciyeedyada socda ee Soomaaliya loogu hagaajinayo maalgashiga, ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Wasiir Fowzia ayaa ka qeybgaleysa shirka ka socda Paris oo madaxda Afrika ay isagu imanayaan oo looga hadlayo amniga nabadeynta, dhaqaalaha, maalgashiga iyo xiriirka Afrika iyo Fransiiska iyo arrimaha deegaanka. Shirkan waxaa lagu wadaa in la isku raaco in waddamada Afrika ay sameystaan gole guud oo Caalami ah oo Afrika ay uga hadasho arrimaha amniga iyo nabadynta.