Guddoomiyihii Hore ee SOLJA Oo Ka Hadlay Asbaabaha furaha u ah xadhiga Suxufiyiinta

Guddoomiyihii Hore ee SOLJA Oo Ka Hadlay Asbaabaha furaha u ah xadhiga Suxufiyiinta

December 12th, 2013 

mustafa

HARGEYSA (SM)-Gudoomiyihii hore ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee ” SOLJA” Mustafe Cabdi Ciise”Shiine”, ayaa markii ugu horeysay maalmahan bilaabay inuu ka hadlo xadhiga Saxafiyiinta Somaliland ee ay maalmahan xukuumaddu ku hayso.

Sidoo kale waxa Mustafe Shiine uu intaa ku daray un saxaafuyiinta laf ahaantoodu ay ka baydheen waddadii mihnada suxufinimo, isagoo sheegay in gaar ahaan websityafa qaarkiid ay noqdeen juwo halis ku ah inay lumiyaan kalsoonidii bulshada reer Somaliland ay ku qabeen Saxaafada.

Isagoo arrintaa ka hadlaya Mustafe Shiine waxa uu yidhi”waxa werwerka ugu badan uu iga hayaa in dadweynaha reer Somaliland oo ahaa garsoorkii keliya ee ay Saxaafadu lahayd ay ka aaminka baxaan Saxaafada oo ay waxba ka qori waayaan, sababtoo ah waxa ay websiyadeena qaar ay noqdeen kuwo haddba wax y dhiga sida ay qabiilka ay ja sii heedaan dani ugu jirto.”

Shiine waxa uu intaa raaciyay in gebi ahaanba ay saxafadeenu qaar anshixii saxafadeed lumiyeen, taasina ay qasab ja dhigayso in ay dawladuna lumuso dul qaadkii oo ay kula kacdo xadhig aan laga fiirsan oo isna aan xal ahayn”.
Gudoomiyihii hore waxa uu u soo jeediyay Saxaafadu inay dib isugu noqoto oy usa saxdo, xukuunadduna ay ja fiirsato tallaabada ay ka qaadayso marka ay saxaafadi ku gefto.

Mustafe Shiine waxa uu sii jeeediyay in dib loo eego sharciga Saxaafada Somaliland oo la miisaamo waxyaabaha ka reeban Saxaafada iyo wixii qaban lahaa marka ay gefto.

Salaanmedia.com