Muuse Biixi Oo Ka Qayb-galay Shirweynaha Xisbiyada Dimuqraadiga Ah Ee Afrika

December 7th, 2013 

m biixi

Dara-salam, (SM)- Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay ka qaybgalay shirkii tobnaad ee xisbiyada dimuqraadiga ee qaarada Afrika oo ka furmay dalka Tanzania, waxaana shirkaas ka qaybgalaya siddeed iyo toban waddan oo Afrikaan ah.

Muuse Biixi Cabdi oo todobaadkii u dambeeyay ku sugnaa dalka Tanzania oo ka hadlay shirweynaha sannadlaha ee xisbiyada dimuqraadiga ah ee Afrika ayaa tilmaamay kaalinta xisbiga Kulmiye uu ka qaatay dhismaha dimuqraadiyada iyo doorashooyinka ka dhacay dalka Somaliland, waxaanu hoosta ka xariiqay siday xisbiga Kulmiye uga go’an tahay inuu hormood ka noqdo xisbiyada ka jira qaarada Afrika.

Waxa kale oo uu xusay Muuse Biixi Cabdi doorashooyinkii kala duwanaa ee ka dhacay Somaliand ee ay ugu dambaysay doorashadii madaxtooyada ee sannadkii 2010 madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xilka kala wareegay madaxweynihii hore Daahir Riyaale Kaahin.

Shirweynahan xisbiyada Afrika ayaa lagaga hadli doonaa muddada uu socdo, horumarinta xisbiyada ka jira qaarada Afrika, dawlad wanaaga iyo doorashooyinka kala duwan.

Salaanmedia.com