Qarax xoogan oo ka dhacay Badhtamaha Magaalada Boosaaso

image

Wararka ka imaanaaya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, ayaa waxay sheegayaan in goor dhow uu qarax xoogan ka dhacay Suuqa dhexe ee Magaalada Boosaaso.

Qaraxaan, ayaa waxaa lala eegtay gaadhi uu noociisu uu yahay SURF, oo ay la socdeen Ciidanka Maamulka Puntland, ee ka hawlgala Xarunta Gobolka Bari ee Magaalada Boosaaso.

Qaraxa ayaa waxa uu sababay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh, kadib markii uu ka dhacay Wadada Amal Palace Hotel, oo ah mid aad u mashquul badan.

Wararka, ayaa waxay intaa ku darayaan in ay jiraan askar ku dhimatay, kuna dhaawacantay qaraxa, sidoo kalana ay jiraan dad rayid ah oo ku waxyeeloobay qaraxaasi.

Halka uu qaraxu ka dhacay, ayaa waxaa buuxiyay Ciidanka ammaanka ee Puntland, kuwaa oo gacan u fidiyay askartii ku dhimatay iyo kuwii kale, ee ku dhaawacmay qaraxa.

Warar kala duwan, ayaa waxay ka soo baxayaan nooca uu ahaa qaraxa, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in qaraxu uu ahaa mid ismiidaamin ah, inkastoo aynaan jirin cid weli si rasmi ah u xaqiijisay.

Majirto cid sheegatay Masuuliyada qaraxaan, sidoo kalana majirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland oo ku aadan qaraxaasi.

Qaraxu waxa uu ku soo beegmayaa, xilli Isimada Puntland ay ku mashquulsan yihiin, soo xulitaanta xubnaha kamidka noqonaaya Baarlamaanka cusub ee Puntland.

Salaanmedia/Boosaaso