Somaliland Iyo Shirkadda Genel Energy Oo Mar kale Kulan ku Yeeshay Magaalada London

Somaliland Iyo Shirkadda Genel Energy Oo Mar kale Kulan ku Yeeshay Magaalada London

oil-rig

Dec 9,2013 London(SM)-Weftigii Wasiirradda Somaliland ee dalka Ingiriiska socdaalka shaqo ku joogay ayaa la sheegay in ay magaalladda London kulan kula yeesheen masuuliyiinta shirkaddii hawlaha sahaminta dhinaca shiidaalka ka waday goboladda bari ee GENEL ENERGY, isla markaana ay si fiican iskula af-garteen waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Sida uu noo xaqiijiyay safiirka Somaliland u fadhiya dalka Britain Ambassador Cali Aadam Cawaale isaga oo joogay magaalladda London, waxaanu sheegay safiirku in kulankaasi dhex maray wasiiradda ka socday Somaliladn iyo masuuliyiinta shirkadda Genel energy uu ahaa mid midho dhal ah.

Ambassador Cali Aadam Cawaale, waxa uu sheegay in weftiga wasiiradda ahaa ee ka socday Somaliland iyo madaxda Genel ay si buuxda iskula qaateen in la sameeyo ciidamo ay Somaliland leedahaya oo ilaaliya amaanka shaqaalaha shirkadda Genel Energy, si ay hawlaha sahaminta ah ee ay gobolladda bari ee Somaliland ay ka waday dib ugu bilawdo.

Waxaanu safiirku intaasi raaciyay in kulankaasi oo muddo saacado ah qaatay, waxyaabo aad u mihiim ahna ay labada dhinac kaga wada hadleen arrimo muhiim oo la xidhiidha sidii ay mar kale shirkadda Genel Energy dalka dib ugu soo laaban lahayd, isla markaana ay shaqada u bilaabi lahayd. Taasi oo uu sheegay in si buuxda la iskula qaatay.Kulankaasi dhex maray masuuliyiinta shirkadda Genel iyo weftiga Somaliland ayaa Ambassador Cali waxa uu ku tilmaamay in uu ahaa mid guul ah, isla markaana faa’iido aad u wayn u leh Somaliland.

Kulankaasi ayaa waxaa dhinaca Somaliland ka socday oo u metelayay wefti wasiiro ah oo uu hogaaminayay wasiirka arrimaha dibada iyo xidhiidhka caalamiga ah Maxamed Biixi Yoonis, wasiirka arrimaha guddaha Cali Maxamed Waran Cadde iyo wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cali Ducaale, iyada oo uu kulankaasi wasiiraddu ay la yeesheen masuuliyiinta shirkadda Genel Energy uu ku wehelinayay safiirka Somaliland u fadhiya dalka Britain Ambassador Cali Aadam Cawaale.
Weftiga wasiiradda ahaa ee ka socday Somaliland ayaa u jeedada ay dalka Ingiriiska u tegeen ay ahayd sidii ay wada hadal ula yeelan lahaayeen masuuliyiinta sare ee shirkadda Genel Energy, oo muddo hawlo dhinaca sahaminta shiidaalka ah ka waday gobolladda bari ee dalka, bal se dhawaan sheegtay in ay dalka ka baxday, iyada oo arrinta ugu muhiimsanaydna ay ahayd sidii loo samayn lahaa ciidamo ay Somaliland leedahay oo ilaaliya amaanka shaqaalaha shirkadaasi taasi oo kulankaasina si wayn loogaga hadlay la iskulana af-gartay.

Waxa kale oo uu sheegay Ambassador Cali Aadam Cawaale in isaga iyo wasiirka arrimaha guddaha Cali Waran cadde oo hada ku sugan London ay maalmaha soo socda kulamo kale la yeelan doonaan masuuliyiinta shirkadda Genel Energy, si loo sii dhamaytiro waxyaabaha ka dhinaa ama aan si buuxda loogaga wada hadal kulankaasi.

Dhinaca kale safiirka Somaliland u fadhiya dalka Britain Ambassador Cali Aadam Cawaale waxa uu sheegay in muddadii ay weftiga wasiiradda ahaa joogeen magaalladda London in ay kulamo la yeesheen xubno ka tirsan baarlamaanka dawladda Ingiriiska, ganacsato iyo dad kale oo maal qabeeno ah, kuwaasi oo danaynaya in ay Somaliland maal gashadaan.

Salaanmedia/ London