Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Iyo Dadka U Dhaq-dhaqaaqa Xuquul Aadamaha Oo Si Kulul U Cambaareeyay Xadhiga Wariyeyaal Xidhan

.

hcDec 9,2013 Hargaysa(SM)-Ururka ay ku bahoobeen Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Qaar ka mida dadka Xuquuqda Aadamaha u dhaqdhaqaaqa iyo Warbaahinta Madaxa banaan ee Somaliland ayaa si wada jir ah u Cambaareeyay Xadhiga Shan wariye oo ku xidhan Magaalada Hargeysa iyo Boorama.

Gudoomiyihii hore ee Komishanka Xuquuqal Iisaanka Somaliland Axmed Yuusuf Xuseen oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa Sharci darro ku tilmaamay Xadhiga 5 Wariye oo Xabsiyada Somaliland ku jira. “ waxaanu leenahay inta Umaddu ku mashquulsan tahay Arimaha Caalamiga ah ee Somaliland dantu ugu jirto, Xukumadda hadda jirtaa waxay ku mashquulsantay Xadhiga iyo Cabudhinta Suxufiyiinta Madaxa banaan.

Halkna waxaanu uga diraynaa Baaq Caalamiya cidkasta oo ku shaqo leh ama ka damqanaysa, ama dareemaysa Qiimaha Weriyuhu leeyahay, dareemaysana in weriyuhu Xaq u leeyahay inuu helo Goob uu ku soo gudbiyo war dhexdhexaad ah Sugan faahfaahsan.

Cid alle cidii kaga hortimaada gudashada waajibaadkooduna waa dambi culus Nimankaasna waxaa lagaga hor yimid Mihnadoodii Shaqo waxaa la qabqabtay iyagoo gudanaya Shaqadoodii. Waxaa lagu qabtay Sifo baal marsan Sharciga.” Ayuu yidhi Axmed Yuusuf Xuseen. Gudoomiyihii hore ee Xuquuqal Isaanka Qaranku waxa intaasi sii raaciyay
“Xadhiga Suxufiyiintani waa sharci darro. Cidkasta oo Hadalkayaga maqlaysa Afka Soomaaligana dareemaysa ama Turjumaad u helaysana meel walba oo ay joogaan dacalada dunida waxaan u soo jeedinaynaa inay ka gurmadaan, inay u soo banbaxaan, inay u dhaqdhaqaaqaan, inay ka dhiidhiyaan Xadhigaa Sharci darrada ah ee Suxufiyiinta lagula kacay.” Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamed rashiid Muxumed Faarax oo isna Shirkaasi jaraa`id ka hadlay ayaa sheegay in Afarta weriye ee Hargeysa ku xidhan la sheegay in lab aka mid ah Madaxtooyadu haysato, mid ka midana Wasiir Haysto halka ka kalena meel laga haysto aan la xaqiijin.

“Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, khamiistii wuxuu Maxakamadda Degmada u qoray Warqad Damaanad ah oo aanu ku dalbanay in Suxufiyiinta Damaanad lagu sii daayo. Siib daro Gudoomiyaha Maxakamaddu wuu naga diiday oo wuxuu yidhi haddii aanan haynin Kiiska horaantiisii wax damaanad ah idinkama qaadi karo. Waxa kale oo Boorama lagu xidhay Weriye 5-aad oo ah Cali Ismaaciil Aare oo Waaheen halkaa uga soo warama. Waxaa lagu xidhay isagoo dad cabanaya ka duubaya War Xafiiska maayarka horteeda? ayuu yidhi Xoghayaha Solja.

Maxamedrashiid Muxumed Faarax oo hadalkiisa sii wata waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay 7-da Cisho ee Maxakamaddu ku xukuntay inay baadhayso Weriyeyaasha Mudaharaadka lagu eedeeyay.
“Weriyeyaashan Cuntada ka soomay ee iyadoo Quraacdoodii iyo qadadoodiiba isdul taalo aan ugu tagay Jeelku waa wax lala yaabo.Weriye la yidhi Mudaharaad ayuu duubayay Saxaafaddu samaysay, in Boolisku yidhaahdo todoba cisho oo mudo baadhis ah noo kordhiya, inkastoo saaka naloo sheegay inay Rumaankii 45 Cisho ka dhigteen, haddana wali warkaas ma hubno, Arintaasi waa wax lala yaabo.” Ayuu yidhi Xoghayaha SOLJA.

Waxanuu intaasi sii raaciyey”Waxaan leeyahay Xukumadda Saxaafadda iyo Xoriyatul Qawlka faraha ka qaada waa Aasaaska Dawladd-nimada iyo Dimuqraadiyadee. Saxaafadda madaxa banaana waxaan u soo jeedinayaa inay Joojiyaan wararka Madaxtooyada mudo todoba cisho ah.Mudaharaadka barri la samaynayana ha ka soo qayb galaan weriyeyaashu.

Ta kale waxaanu garan waynay Afartan Weriye ee Hargeysa ku xidhan cida haysata. Laba weriye waxaa la yidhi Madaxtooyadaa haysta, hal wariye wasiir baa haysta, hal weriye-na waxaa la yidhi si looga saaro ayaa la garan waayay. Bilayskii ma haystaan, Maxakamaddihii ma haystaan, Booliskana inay xabsiga ku hayaan waxaa ku khasbaya Dad madaxtooyada jooga. Waxaanu leenahay faraha ha ka qaadaan oo Xoriyadooda ha u soo celiyaan Weriyeyaasha, haddii kale shaqo joojin Caalamiya ayay warbaahintu samayn oo cid Umadda warka u tabisa ayaa la waayi “ ayuu haddalkiisa ku soo xidhay Xoghaye Maxamed-rashiid Muxumed Faarax. Agaasimaha TV-ga Bulsho TV Cabdirashiid Nuur Wacays.

Waxa isna halkaasi ka hadlay Xaalada kan warbixiyey xaalada ku suganyihiin weriyeyaasha ku jira Xabsiga Hargeysa ?Maalintii Weriyeyaashaa Warbaahinta madaxa Banaan ka hawl gala ee iyagoo waajibaadkooda gudanaya sida gardarada ah loo soo xidhay todoba cisho ayaa laga joogaa. Ilaa maalintaas waxaa loo diiday oo aanu si gaara u cambaaraynaynaa Eheladoodii, Asxaabtoodii iyo dadkii kale oo soo bookhanayay iyo kuwii wax u keenayay sidii oo ay dil galeen wariyeyaashu.Qaar ka mida ayaa Xanuunsanaya oo dhakhaatiir dawaysa u baahan waa laga hor joogsaday. Waxaanu leenahay waa in loo Ogolaado cida Bookhanaysa iyo Eheladooda Xoriyadoodana loo soo celiyaa.? Saleebaan Cabdi Cali(Kalshaale) oo ka mida Wariyeyaasha ka hawl gala Warbaahinta Madaxa banaan iyo ta Dawladda ayaa isna Cambaareeyay Xadhiga lagula kacay Weriyeyaashaasi.

Waxa uu tilmaamay in Maalinta Xuquuqal Iisaanka ee Caalamiga ah oo Barri ku beegan Saxaafadda Somaliland ku xusayso Jawi Murugo leh islamarkaana 5 Weriye Jeelka ku jiraan. Afarta Weriye ee Magaaladda Hargeysa ku xidhan oo kala ah Madaxa wararka ee BulshoTV Siciid Khadar, Cabdisalaan Cabdirashiid oo ah Sawir qaade ka tirsan Bulsho TV, Sawir qaade Xasan Maal dhidar oo Universal TV ka tirsa iyo Tifaftiraha Xogreebnews Cabdicasiis Bashiir Nuur ayaa Maalintii todobaad jeelka ku jira. Xukumadda ayaa ku Eedaysay ka qayb qaadashada Mudaharaad aan Sharci ahayn. Dadka Xuquuqda Aadamaha u dhaqdhaqaaqa, Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland iyo warbaahinta ayaa Sharci darro ku sifeeyay Xadhiga Weriyeyaashaasi

Salaanmedia Hargaysa Somaliland