“Waanu Qiimaynaynaa Reer Wajaalaw Waxa aad Qabsateen, Waanu Qiimaynaynaa Dadkayagu Waxay Qabsadeen”


IMG_0003

HARGEYSA (SM)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka hadlay kormeer maanta ay isaga iyo Wasiirrada Maaliyadda iyo Warshaduhu ku tageen magaaladda xuduuda ku taalla ee Wajaalle.

Wasiirka madaxtooyadda oo ka hadlayay kormeerka ay ku tageen Wajaale waxa uu yidhi “Waxay ahayd maanta ka dib markaan; kormeer, furid, iyo dardar galin ah u tagnay jidka isku xidhi doona Kalabaydh iyo Wajaale, sidoo kalena aan la soo farxad qaybsanay bulshada reer Wajaale oo qayb ka mida Waddooyinka magaalada dhex mara dhistay intii kalena gacanta ku haya. Waxaa marag ma doon ah kaalinta ay qarankeena ugu jirto waddada isku xidhi doonta Kalabaydh iyo Wajaale, oo waa marinka isku xidha Somaliland iyo dawlada aan jaarka nahay ee Ethiopia.”

Waxaad la socotaan Berbera oo ah halka dalkeenna wax uga soo degaan “Dekeda” illaa laga gaadhayo Caasimada dawlada Ethiopia ee Addis Ababa inta kaliya ee aan laami lahayn in ay ahayd 18ka Km ee isku Xidha Kalabaydh iyo Wajaale. Waxaa wax lagu farxo ah in ay maanta dhamaad ku dhawdahay oo 12km oo Jidka kamida la sameeyey waxna gacanta lagu hayo, Sidoo kale 6km ee inoo hadhsana aan u kabo xidhanahay in aan soo afmeerno mudo kooban gudaheed,”ayuu ku yidhi Wasiir Xirsi qoraal lagu baahiyay mareegtiisa guusha.com.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray inuu rajaynayo in bisha labaad ee sanadka fooda inagu soo haya ee 2014-ka uu jidkaasi dhaqmaystirmi doono “Insha Allah Waxaan ku rajo wayn nahay in bisha labaad ee sanadkan bilaabmaya “February” bulshada reer Somaliland ay farxad ku mari doonaan Jidkan oo inoo dhamaystirmay.

Sidoo kale waxaa maanta dareen iyo farxad ahayd in markii u horaysay magaalada Wajaale laga hirgaliyey waddo kamida waddooyinka magalada dhex mara oo dhib iyo halis ku haystay dadka iyo gaadiidkaba
Waxaan leeyahay “Waanu Qiimaynaynaa Reer Wajaalaw Waxa aad qabsateen, Waanu Qiimaynaynaa Dadkayagu Waxay Qabsadeen, Waxaanu Qiimaynaynaa Ka Dawlad ahaan Wixii Inoo Qabsoomay,”ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

 

Salaanmedia/Hargeysa