Wakiilka Geeska Afrika ee Dowladda Japan oo booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Wasiir kuxigeenka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Dr. Jamaal Mohamed Barrow ayaa maanta ku qaabilay Magaalada Muqdisho Hideo Eguchi oo ah Wakiilka bariga afrika ee Wakaaladda iskaashiga caalamiga ee dowladda Japan (JICA), oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan dib u dhiska iyo hurumarinta.

Dr. Jamaal Barrow ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay lataliyeyaasha dhinacyada horumarinta xiriirka Caalamiga iyo qorsheynta siyaasadda ee Wasaaradda Hussein Elabe Fahiye iyo Mohamud Muse Tarey, waxaana looga dooday madashaasi kaalinta dowladda Japan ee ku aadan dib u dhiska dalka,maalgeshiga iyo horumarinta xiriirka labada dal.

Kulankani ayaa waxa uu imaanayaa xilli 18 xubnood oo kala matalayay hey’adaha kala duwan ee dowladda ay howlo shaqo u tageen bishii hore ee November Magaalooyinka Tokyo, Yokohama iyo Sendai, iyaga oo booqasho loo kala geeyay xarumaha ganacsiga, warshadaha, dekedaha iyo goobaha Tsunami-ga uu saameeyay ee dalkaasi Japan.

idhiidhka Somaliya iyo Japan oo dhinacyo badan leh ayaa soo taxanaa muddo aad u fog, waxaana xusid mudan in xiriirkaasi uu sii xoogeystay sanadihii dambe.

Salaanmedia/Mogdisho