“Wali Hore Umaan Maqlin Masuuliyiin Ka Tirsan Xisbi Ama Urur Siyaasadeed La Leeyahay Waraaqdii Dhaqdhaqaaqa Soo Qaata” Gudoomiye Cirro

waddani

Dec 12,2013 Hargaysa(SM)-Guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland isla markaana ah guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa wasiiro aanu magac-dhabin oo ka tirsan xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ku eedeeyey inay maleegayaan qorshe lagu fashilinayo in diwaangalinta cod-bixiyayaashu ay dalka ka qabsoonto, kaas oo sheegay inay shaki-galinayaan hirgalinta diwaangalintaasi.
C/raxmaan Ciro ayaa waxa uu sidoo kale cambaareeyey falkii dhawaan ay xukuumadu kula kacday waftigii UCID ee uu hogaaminayey musharaxa xisbigaasi Jamaal Cali Xuseen ee ciidamada bilayska ah lagu amray in laga soo celiyo kaantaroolka Caabudla, kaas oo ku tilmaamay dhaqankaasi mid dalka ugub ku ah oo aan la aqbali-karin.

Guddoomiyaha Waddani C/raxmaan Maxamed C/laahi (Ciro) waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay ka hadlayay munaasibad ka qabsoontey huteelka Ambassador ee magaaladda Hargeysa, taas oo uu xisbigiisu ku soo dhawaynayey taageerayaal aad u tiro badan oo ka tirsanaan jiray urur siyaasadeedkii doorashadii deegaanka ku hadhay ee Xaqsoor, isla markaana ka soo jeeda degmadda Axmed-dhagax ee caasimadda iyo gobolka Hawd.ugu horayna isaga oo u mahad-naqaya cududa Xaqsoor ee ku soo biirtey oo ay hogaaminayaan masuuliyiin ka tirsanaan jiray xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Marka hore waxaan maanta jaaniska uga faa’iidaysan doonaa aniga oo ku hadlaya magaca xisbga wadani iyo magaciina inaan tacsi u diro madaxwaynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Riyaal Kaahin oo hooyadii ku geeriyootay Gobolka Awdal, runtii kalmadihii halkan laga yidhi waxa ka mid ahaa ifa-faalada guusha oo uu yidhi maayar ku xigeenkii caasimada Hargaysa, waxa ka mid ahaa sahanka guusha oo ay Hinda Jaamac tidhi, waxaanu leenahay sahankii aanu sahaminay waynu ku guulaysanay madaama oo aynu helnay xaafada Axmed Dhagax iyo gobolka Hawd oo isku duuban tageeraana noo haya xisbiga Waddani,waxaan madasha kusoo dhawayn doonaa tageerayaasha xaafada Axmed Dhagax oo wata gobolka Hawd oo maanta nagu biiriyey wixii ay tageero noo hayeen”.

Guddoomiyaha Waddani C/raxmaan Ciro mar uu ka hadlayey wasiiro xukuumadda ka tirsan oo uu sheegay inay caqabad ku yihiin hirgalinta diwaangalinta codbixiya-yaasha, waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa inaa ka hadlo doorashada iyo diiwaan galinta axsaabta qaranka Guddida doorashooyinka iyo xukuumada oo ay matalayso wasaarada arimaha Gudaha Somaliland waxa ay isla waafaqeen in labada arimood qaranku u baahanyahay, in shacabka Somaliland loo sameeyo diwaan galin ay ku codeeyaan iyo in la sameeyo diwaan galin lagu tiro koobayo dadka waraaqo ayey dhawr jeer saxeexeen sidaa warbaahinta kala socoteen, deeq-bixiyayaashu way soo dhaweeyeen, madaxwaynaha Somaliland isna waxaanu mahad naq-balaadhan ka siinaynaa waraaq uu qoray uu isna ku tageerayo in wadanka laga qabto diwaangalinta cod-bixiyayaasha si ay doorashadu u qabsoonto wakhtigii loogu talo-galay oo ah 2015-ka, hase waxa aanu ka xunahay in Wasiiro ka tirsan xukuumadu ay shaki galinayaan in la qabto diwaangalinta cod-bixiyayaasha, waxaanu u soo jeedinaynaa wasiiradaasi in siyaasada xukuumadda ee Madaxwaynuhu uu qoraalka uu ku bixiyey ay la socdaan oo ay taageeraan. Waa inaynu ka digtoonaanaa ayaanu leenahay talaabo-kasta oo shaki galinkarta mushtamaca caalamka ama dib u dhigi-karta doorashada, doorashaduna waa inay wakhtigii loogu talo galay ku qabsoontaa”.

Guddoomiyaha wakiiladda Mr Cirro mar uu ka hadlayey dhacdadii Gabiley lagaga horjoogsaday waftigii UCID, waxa uu yidhi “Qodobka ugu danbeeya ee aan jeclahay inaan ka hadlo waxa weeyi dhacdadii ka dhacday Caabudla, waxaynu ka warqabnaa in musharaxa madaxwaynaha xisbiga daryeelka iyo cadaalada ee UCID Jamaal Cali Xuseen iyo marwo Faadumo Siciid laga soo celiyey kaantaroolka Caabudla iyaga oo ku socda gobolka Gabiley. Anigu waxa aan joogay wakhtigii ururada la aas-aasay ee xisbiyadu samaysmeen 2002-dii ilaa hada waan joogaa oo ka mid baan ahaa axsaabtaas iyo ururadaas laakiin wali hore umaan maqlin masuuliyiin ka tirsan xisbi ama urur siyaasadeed la leeyahay waraaqdii dhaqdhaqaaqa soo qaata, waxaan leeyahay wasaaradda arrimaha gudaha iyo xukuumadaba talaabooyinka noocaas ahi yaanay wadanka mardanbe ka dhicin oo aanay dib ugu soo noqonin”.

Isaga hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya qaabka ay xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ula macaamisho warbaahinta madaxabanaan, waxa uu yidhi “Somaliland waxa lagu majeertaa oo aynu dalal badan oo dunida ah iyo kuwa aynu jaar-nahayba kaga duwanayn oo udub-dhexaadna inoo ahaa dimuqraadiyada oo Somaliland lagu amaani jiray, waxaana dimuqraadiyada tiir-dhexaad u ahaa saxaafada madaxabanaan, markaa xukuumadda waxaan u soo jeedinayaa in la ilaaliyo madaxbanaanida warbaahinta horta ah”.
Dhinaca kale waxa munaasibadaasi soo dhawaynta ah ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex ee Xisbiga WADANI Saalax Muxumed Idiris, Cabdi Diiriye Oo Ku Hadlayey Magac Qurba jooga, Cabdi xakiin Maxamuud Laan-gadhe oo isna ka mid ahaa xildhibaanadii golaha degaanka ee hore iyo Agaasimihii hore ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland mustafe Qodox oo horkacayey tageerayaasha kusoo biiray xisbiga wadani, kuwaas oo dhamaantood ku dheeraaday mihiimada ay u leedahay xisbigaasi cudada ku soo biirtay ee xaafadda Axmed dhagax.

Salaanmedia/Hargaysa  Somaliland