War Deg Deg Ah Madaxweyne Somalia Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay Ra’izul Wasaaraha Cusub ee Somalia.

cabdiweli1

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw waxa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay R/Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya kadib wadatashiyo uu maalmahan la lahaa Lataliyayaashiisa , Xildhibaano , Siyaasiyiin iyo Waxgarad.

kadib Xaflad kooban oo goordhaw ka dhacday gudaha Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Digreeto uu soo saaray looga dhawaaqay R/Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya oo loo Magacaabay Dr Cabdi Wali Sheekh Axmed.

Ra’izul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya ayaa ah aqoonyahan ku cusub Siyaasada waxa uuna sanadihii ugu Dambeeyay ka shaqeenayay Islamik Bank Xaruntiisa Magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Waxaana Musaalkan Madaxweynuhu uu kasoo xushay tiro Musharixiin ah oo isku soo taagay qabashada Jagada R/Wasaaraha Soomaaliya , waxaana Xilkan kusoo baxay Dr. Cabdi Wali Sheekh Axmed oo la tilmaamay in uu yahay in horey usii wadi kara anaanka Dowladnimo ee cagta saartay Soomaaliya.

Waxaa Wali Socda xaflada lagu Magacaabay R/Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya waxaana la filayaa in halkaasi uu Khudbad ka jeediyo kana hadlo wax qabadkiisa R/Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Dr. Cabdi Wali Sheekh Axmed .

Salaanmedia/Moqdisho

 dr1 dr2 dr3 dr4 dr5 dr6