War deg deg ah:-Odayaasha Beelaha Direed oo sheegay hadii Aan loo Magacaabin Raysal Wasaaraha- in ay ka fiirsan doonaan kamid ahaan-shaha Dowlada Federaalka.

December 7, 2013

 7 Dec 2013:

index

Odayaasha, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beelaha Direed oo Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay soo dhaweeyeen go’aankii dhawaan Baarlamaanka Soomaaliya uu kalsoonida kala laabtay Xukuumadda Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayagoona sheegay in xilkaasi banana imika ay ayagu xaq u leeyihiin Madaxweynaha ayay ugu baaqeen in uusan xaqooda duudsiin sida ay hadalka u dhigeen.

Macalin Barre Afhayeenka Guurtida Beelaha Direed oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Madaxweynaha ay ka sugayaan in uu cadaalad sameeyo, isagoona xusay in hadii Madaxweynaha uu xilkaasi siin waayo Beesha Direed ay ka fiirsan doonaan kamid noqoshada Dowlada Federaalka ee Soomaaliya.

Beesha Direed ayuu sheegay in Sanadkaan ay Mudan yihiin In loo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha Jamuuriyada Federaalka Soomaaaliya.

Ma cada Sida ay Beesha Direed ka yeeli doonaan Hadii loo magacaabi waayo Xilka ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Salaanmedia/Mogdisho