War Murtiyeed: Dalka Iyo Dastuurka Waynu Wada Leenahay

image

Sabti, December 7, 2013 Hargeysa(SM)-Waxaan fariin culus u dirayaa dhamaan Madaxweyne Axmed-siilaanyo,hogaanka xisbiga Kulmiye iyo xubnaha dhabarka laga riixaayo ee hadh iyo habeen tv-yada iyo saxaafada xukuumadu hagto la soo fadhiisanaya 2da xisbi mucaarid Ucid iyo Waddani waxay qabanayaan shir beeleed.
Ugu horayn waxa aan xasuusinayaa Madaxweyne Axmed-siilaanyo iyo hogaanka xisbul xaakimka inay joojiyaan:


1.Ololaha ay shacabka ku marin habaabi-nayaan.
2.Dooda qaran ee ay ku tilmaa-mayaan shir beeleed.
3.Ciidanka qaranka ee loo adeegsanayo dhaq-dhaqaaqa 2da xisbi mucaarid ucid iyo wadani.
4.Cabudhinta iyo xadhigga loo gaysanayo saxaafada madaxabanaan ee ka soo horjeeda dastuurka iyo shuruucda saxaafada.

Waxa aan ugu baaqayaa xukuumadu inay wariyayaasha loo xidhay si baal marsan dastuurka si dhakhsaa ugu soo celiso xorriyadooda.
Waxa aan uga digayaa xukuumada iyo xisbul xaakimka talaa-booyinka dastuurka baal marsan ee ay kula dhaqmayaan 2da xisbi mucaarid ee qabanaya dooda qaran.Waxan farayaa Madaxweyne Axmed-siiraanyo iyo xukuumada inaanay dalka iyo shacabka u horseedin xaalad abuuri karta rabshado xambaarsan xaalado aynu ka soo gudubnay.

Shir beeleedku waa kuwii dalkan lagu dhisay ee marxaladaha kala duwan iyo magaalooyinka kala duwan aynu ku soo qabsanay,waa shirarkii dhidibada u ahaa dimuqraadiyadan aad dalka maanta ku hogaaminaysaan.Waa shirarkii ay beelaha qaarkood ku qabsadeen Gar-adag,Berbera,Daalo iyo kan ugu danbeeyay ee Agabar lagu qabtay.Ma dhibaatay dalka ku soo kordhiyeen mise beelaha ayaa danahooda kaga tashanaayay.
Mudane Madaxweyne maaha inaad dooda qaran shacabka u tustaan inuu shar dalka u leeyahay,maaha in xisbiyada mucaaridkaa lagu tilmaamo kuwo rabshado dalka ka wada oo dagaalo iyo dumin inoo horseedaya.Maaha in xukuumada iyo 2da xisbi mucaarid la kala fogeeyo oo shacabka loo tuso inay colaadi ka dhex aloosantahay.

Mudane Madaxweyne, hogaanka dalka adigaa ah,dooda qaran adigaa u ah madaxweyne,waxa kugu waajib ah si deggan inaad dooda qaran ku hogaamiso,inaad chair-garayso,xukuumadu ka soo qayb gasho,wada-tashano,haday wax innaga yara qaloocdeen aynu isla toosino,arrimaha qaranka qaarkood waxa dastuuri ah inaad dulqaadkeeda yeelato,xisbiyada qarankuna 3duba waa dastuuri,inaad isugu yeedho oo aad la tashato waa waajibaadka lagoo doortay ee dastuuriga ah.

Mudane Madaxweyne,hadii lagu yidhi waxa jira arrimo aad ildooftay ee aynu ka wada tashano xaq ayaa laguugu leeyahay,waxa tahay madaxweynahii dalka,laguna soo doortay sifo sharci ah oo dastuuri ah,markaa haka boodin hana dhibsan ee xaalada ku soo dabaal deganaanshahii madaxweyne.Waxba innaga xumaan maayaan ee waynu wada-tashanaynaa,isu tilmaa-maynaa waxii dalab innaga yeeshay ee xisbiyada mucaaridkaa u muuqday,sidii inoo caadada ahayd waa toosin,waxii ay 2da xisbi mucaarid ku qaldan-yihiina waa loo sheegayaa.Mana aha in layska indho tiro waxqabaka aad muujisay,waa waajib ku saaran balse waxa jira arrimo qaran oo u baahan dardar gelin iyo toosin.
Waxa aan soo jeedinayaa xukuumadu inay xaalada dejiso oo aanay iyadu noqon xaabada dabka shidaysa.Waxa kale oo aan soo jeedinayaa masuuliyiinta iyo muwaadiniyiinta hadaladoodu curinayaan xaalad abuurka ee shacabka ku khuukhinaya inay 2da xisbi mucaarid shir beeleed qabanayaan inay ka waan-toobaan.Waxan leeyahay waar ha abuurina xaajo aan lagu jirin,dalka iyo dastuur ayaa innaga dhaxeeya,talaa innaga dhaxaysa,wada-tashi ayaa innaga dhaxeeya,dadkuna waa wada muwaadin.

Mudane Madaxweyne waxa aan ku soo gaba-gabaynayaa inaad u yeedho madaxda 2da xisbi mucaarid,ka wada tashataan si nabad ah oo gacmaha is-haysta ku dhawaaqdaan waqtiga dooda qaran aynu qabsan doono.
Xuseen Xasan Badmaax
Ku-xigeenka Xog.arrim gudaha UCID.
Hargeysa/JSL