Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo lagu soo dhaweeyey wasaarada Arimaha Dibada ee Dalkan Ingiriiska magaaladda London.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo lagu soo dhaweeyey xafiiska wasaarada Arimaha Dibada ee Dalkan Ingiriiska magaaladda London. Arimaha Dibada ee ay ku leeyihiin London.Kulanka oo ay ku weheliyeen Safiirka Somaliland ee UK Cali Aadan Cawaale iyo xubno kale oo ka socday safaarada Somaliland ee UK.

Kulanka oo saacado qaatay waxa  wasiirka Mudane Warancade  uu kulamo la qaatay qaar  ka mid ah madaxda wasaarada Arimaha Dibada ee dalkan Ingiriiska,Waxa ay ka wada hadleen xidhiidhka Somaliland ,dalkan Ingiriiska Hawlaha Nabadgalyada iyo hawlo ku saabsan arimaha mandiqada Afrika.Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane Warancade  ayaa isna dhinaciisa warbixin kooban oo ku saabsan Somaliland iyo dhamaan horumarka Somaliland ee wakhtigan. Waxa kulankaa ka dib wuu booqasho wasiir Warancade ku tagay Westminister oo ay ka socotay kulan loogu talo galay geeridii Nalsel Mandela oo ay kasoo qayb galeen dawlado aduunka ka socday.

Salaanmedia/London

 b c d e

 

aSalaanmedia/London