Wasiirka Ganacsiga Soomaaliland Oo Ka War Bixiyey Kulan Uu La Yeeshay Shirkad Maal Gashanaysa Xabagta Iyo Beeyada

Dr Maxamed

(SM:Hargaysa) Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa shalay kulan la yeeshay shirkad ka socota dalka Maraykank a oo lagu magacaabo Oliver Shore Company maal-gashi ku samaynaysaa dalka.

 

Wasiirka oo shalay faah-faahin ka bixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen shirkadaasi ayaa waxa uu sheegay inay ka wada hadleen sidii shirkadani ay maal-gashi ugu samayn lahayd beeyadda iyo xabagta Somaliland hodanka ku tahay, waxaanu tilmaamay in fursado shaqo ay ka heli doonaan muwaadiniin badan oo reer Somaliland gaar ahaan gobolka Sanaag.

Shirkaddan Oliver Shore Company oo xarunteedu tahay California dalka Mareykanka ayaa sheegtay inay danaynayso inay maalgalin ku samayso Somaliland khasatan beeyada iyo xabagta gobolka Sanaag.

 

 

“Shirkadaasi fadhi dheer oo aan yeelanay ka dib waxa aanu u arragnaa inay waxtar weyn ku soo kordhin doonto ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ee beeyada iyo xabagta ee Illaahay ku manaystay Somaliland,”ayuu yidhi Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashigu.

 

 

Wasiirku waxa uu tilmaamay in shirkaddani ay wax weyn ka bedeli doonto dhaqaalaha gobolka Sanaag oo uu xusay inuu yahay ka ugu baaxad weyn dalka oo dhan, waxaanu yidhi “Waxaan rajaynaynaa inay dardargalin doonto shaqo abuurka gobolka Sanaag oo ah gobol baaxad weyn leh oo ahmiyad weyn ugu fadhiya Jamhuuriyada Somaliland aad iyo aad ayaan ugu faraxsan nahay arrintan una soo dhawaynaynaa waxaanan rajaynayaa inay wax ka tarto arrimaha horumarka dalka ee ay dawladu doonayso in la dardargaliyo.waanan diiwaan gelinay si ay hawlaheeda u qabsato.”

 

 

Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa uu sheegay inay wax soo saarka xabagta iyo beeyadda Somaliland u iibgeyn doonto dal-weynaha Maraykanka.

Salaanmedia/Hargaysa