Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Isku Shaandhayn Ku Sameeyey Maamulayaasha Kastamada Iyo Cashuuraha Berriga

samaaleDec 6, 2013 Hargeisa (SM) – Wasiirka wasaaradda Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale ayaa isku-shaandhayn ku sameeyey Maamulayaasha Kastamada Goboladda Dalka iyo kuwa Cashuuraha Berriga, kuwaas oo aan in muddo ah la taabanin.

Wasiir Samaale oo shalay soo saaray Digreeto uu ku dhaqan gelinayo isku-shaandhaynta Maamulayaasha Kastamada ayaa masuuliyiinta uu isku bedelay waxa ay u dhignaayeen sidan:-

Cabdi C/laahi Daahir waxa laga dhigay Maamulaha Kastamka Kalabaydh isagoo hore u ahaan jiray Maamulihii Kastamka Boorama, waxaana ku-xigeen looga dhigay Axmed Maxamed Habane.

Cumar Maxamed Shirwac waxa loo magacaaby Maamulaha Kastamka Boorama waxaanu hore u ahaa Mamulaha Kastanka Aasha cado, halka Maamule ku-xigeen looga dhigay Ciise Maxamed Raage.

C/risaaq Aadan Yuusuf waxa laga dhigay Maamulaha KastankaSaylac, waxaanu ahaan jiray shaqaalaha Kastamka Berbera, waxa ku-xigeen looga dhigay Xasan Maxamed Cawaale.

Mustafe Cali Cabdi waxa loo magacaabay Kastanka Balay-gubadle, waxaana laga soo bedelay oo uu ahaa Kastanka Beer.

C/raxmaan Maxamuud Maxamed waxa laga dhigay maamulaha Kastanka Burco, waxaanu ahaa Maamulaha Kastanka saylac.

Maxamed Jaamac X Cali waxa loo magacaabay isuduwaha wasaaradda maaliyadda gobolka sanaag isla markaana ah maamulaha kastamka ceerigaabo.

C/raxmaan Jaamac Faarax waxa uu hore u ahaan jiray Isuduwaha wasaaradda Maaliyadda Gobolka Sool iyo Sanaag waxa loo daayey Isuduwanimada Gobolka Sool waxaana loogu daray xilka maamulaha kastamka Laascaanood.

Maxamed Mahdi Ducaale waxa loo magacaabay maamulaha kastamka Aasha cado, halka Xuseen Waaberi Rooble loo magacaabay Kastanka Xarriirad.

Shucayb Muuse Allaale waxa loo magacaabay maamulaha cashuuraha berriga Berbera, halka Maamulihii Cashuuraha Berriga Berbera C/xakiin Maxamed Guuleed Cashuuraha laga dhigay maamulaha cashuuraha berriga Berbera Degmadda Axmed Dhagax.

Isku-shaandhaynta Maamulayaasha Kastamada iyo Cashuuraha Berriga ayuu wasiirku ku sheegay in ay tahay sidii sanadaka cusub loo dar-dar gelin lahaa Ururinta Cashuuraha Dalka, taasoo warar hoose ay sheegayaan sanadkan 2013-ka in ay shaqaalaha wasaaraddu soo xareeyeen Dakhli ka badan intii mala awaalka Miisaaniyaddu ahayd.

Salaanmedia/Hargaysa