“Waxa La Ogyahay In Dawladu Ku Tidhi Jaamacada Timacade Hadii Aad Mucaaridka U Yeedhaysaan Idiin Iman Mayno, Waxaan Hambalyo U Dirayaa Ardaydii Qalinjabisay Iyo Aasaasayaashii Jaamacada”Muuse C/laahi Nuur Oo Ka Mid Ah Hogaanka Sare Ee Waddani.

67muuse

“Waxa La Ogyahay In Dawladu Ku Tidhi Jaamacada Timacade Hadii Aad Mucaaridka U Yeedhaysaan Idiin Iman Mayno, Waxaan Hambalyo U Dirayaa Ardaydii Qalinjabisay Iyo Aasaasayaashii Jaamacada”

Muuse C/laahi Nuur Oo Ka Mid Ah Hogaanka Sare Ee Wadani

Hargeysa,– Siyaasiga, Muuse Cabdilaahi Nuur oo ka mid ah hogaanka sare ee xisbiga Wadani ayaa Hambalyo u diray 103 Arday oo dhawaan markii u horaysay ka qalinjabiyey Jaamacada Timacade ee magaalada Gabiley iyo Hormuudka jaamacadaasi, kaas oo sheegay in Ardaydani ay nasiib u heshay inay noqdaan dufcadii koowaad ee ka qalinjabisa Jaamacadaasi.

 

Mr Muuse Cabdilaahi Nuur, ayaa sidoo kale nasiib daro ku tilmaamay in markii u horaysay xukuumadihii Somaliland soo maray xukuumada Kulmiye ay xisbiyada Mucaaridka ka horjoogsado munaasibadaha iyo xusaska farxada xambaarsan ee ummadu leedahay. Ayaa sidaasi ku sheegay Waraysi uu khadka Telefoonka ku siiyey Wargeyska Haatuf, isagoo ugu horayna hambalyo u diraya Ardaydii Qalinjabisay, Hormoodka iyo aasaasayaashii Jaamacada Timacade ayaa waxa uu yidhi “Aniga oo ku hadlaya magacayga, ka hogaanka xisbiga Wadani iyo Guddida Fulinta, waxaan hambalyo u dirayaa ardaydii ka qalinjabisay jaamacada Timacade ee magaalada Gabiley.

 

Ardaydaasi oo tiradeedu ahayd 103 Arday waxa ay nasiib u yeesheen inay noqdaan ardaydii kowaad ee jaamacada Gabiley ka soo baxday, waxaan leeyahay hambalyo ayaanu idiin soo diraynaa.

 

Waxa kale oo aan hambalyo u dirayaa madaxda iyo Professor-rada jaamacada Timacade ee Gabiley, waxaanan si gaar ah hambalyadaasi ugu dirayaa aasaasayaashii jaamacada laftooda oo uu kow ka yahay gudoomiyaha jaamacada Dr Cismaan Yuusuf Magan iyo Badhasaabkii hore ee gobolka Gabiley Maxamed aw Cabdi Xabeeb oo si gaar ah loogu xasuusto ka sokow Professor-ku si gaar ah loogu xasuusto nimankii aasaasayaasha ahaa ee jaamacadan dhidibada u taagay ay yihiin waa arin aad iyo aad u qiimo badan maanta in midhihii iyo foundation-kii aad samayseen dufcadii koowaad ay qalinjabisay waxaan idinkana idin leeyahay si gaar ah hambalyo iyo bogaadin ayaad leedihiin illaahayna ha idinka ajar siiyaan leeyahay.

 

Waxa kale oo aan mahadnaq kaa la mid ah u celinayaa shirkadda Telesom oo iyadu jaamacada Gabiley qayb weyn ka gaysatay haday tahay xagga qalabka haday tahay inay si kale u taageerto iyadana waxana leeyahay hambalyo oo mahadnaq ayaan u celinayaa.

Sidoo kale Madaxweynaha Jabuuti iyo Sheekh Aadan Siiro oo iyaguna gacan weyn ka geystay aasaaskii jaamacada ayaan hambalyo u dirayaa.

 

Waxa maanta guul ah gobolka Gabiley oo midhihii dhaliyey jaamacada Timacade oo ah talaabo aasaasi ah waayo cilmigu waxa uu nolosha ka yahay tiirka koowaa, waana iftiinka nolosha, waxan la isku dhaafayna waa cilmiga, waxaanan u rajaynayaa dhalinyaradaa jaamacada Timacade ee Gabiley ka qalinjabisay horumar iyo rajo wanaagsan iyo guul aad usoo hoysaan dalkiina iyo gobolkiina”.

 

Muuse Cabdilaahi Nuur, mar uu ka hadlayey talaabadii xisbiyada mucaaridka loogu diiday martiqaadka munaasibadii qalinjabinta jaamacada Timacade iyo sababtii ka dambaysay ayaa waxa uu yidhi “Aniga oo ka cudur daaranaya inaanu ka soo qaybgalno ayay ahayd xafladii aad ku qalinjabinayseen ee maalintii dhaweyd, hase yeeshee sababo aad la socotaan oo xukuumadan talada haysaa ay caadaysatay inay ka hor joogsato had iyo jeer munaasibadaha wadaniga ah ama farxadaha ee jaamacadaha ah inay asxaabta mucaaridka ah ka hor joogsato oo ah wax aan hore loo arag oo dawladihii hore loogu arag waayo dalka waa la wada leeyahay waanu ku filan yahay waxa la yidhi ‘ninka boogihiisu badan yihiin waxa uu is yidhaahdaa malaha boogtaadan ayaa la tilmaami’ dawladu waxa ay ka shaki qabtaa oo aanu ognahay dalka dhibaatooyinka ka jira iyo baylahaha ka jira ayuunbay uga horjoogsatay waana ayaan daro”.

 

Muuse oo aanu waydiinay sababta uu xukuumada ugu eedaynayo inay ka horjoogsaday munaasibadaasi, maadaama oo Jaamacaduhu ay iyagu go’aan ka gaadhaan cidda ay casuumayaan, ayaa waxa uu yidi “Horta waa run oo tii koowaad ee mucaaridka laga hor joogsatay may hayn oo kaliya Jaamacada Gabiley oo tii Hargeysa-ba waa loo diilay, waxa hubaal ah oo la ogyahay in dawladu ay ku tidhi hadii aad mucaaridka u yeedhaysaan idiin iman mayno, xafladaha noocan oo kale ahna dee dawladii Riyaale-ba waa la tagi jiray madaxda xisbiyadu way tagi jireen inta badana hadalo kaftan ah hadii la is yidhaa hadalo kale lama sameeyo, maaha oo kaliya xafladaha jaamacadaha oo kaliya ee xafladaha kale iyo xusaska mucaaridka waa loo diidaa loomana ogola”.

 

Sidoo kale mar aanu waydiinay Muuse Cabdilaahi Nuur oo ka tirsan hogaanka Xisbiga Wadani, waxa keenay tirada Ardayda qalinjabisay oo yar marka gobolada kale loo eego iyo in Ardayda Gabiley ay jecel yihiin inay waxbarashada ku soo qaataan magaalooyinka waaweyn sida caasimada oo kale ayaa dhalinyaru ay

“Waa dhab oo jaamacada Gabiley waa curdin, waana dufcadii koowaad dufcadani waxaan ugu baaqayaa maadaama oo Gabiley dadka ku noole aad uga badan yahay inta qalinjabisay inanku ama inantu inay jaamacada ku dhamaysato waliba shahaadada koowaad (first degree) hadhow qofku meesha uu doono ha tagee jaamacada ugu dhaw ee ugu kharashka yar leh waa mid aan ku dhiiri galinayo, waxa intaa dheer kulliyadihii ay ardaydu u tageen sanadkii ugu horeeyey tani waa dufcadii ugu horaysaye ee ay ardaydu doonaysay badidoodii kulliyado kale ayaa lagu kordhiyey, waxaan leeyahay dhalinyarada reer Gabiley iyo kuwa kaleba ee ama gobolada kale lafteedu, Gabiley waa meel munaasib ku ah waxdhigashada lafteeda magaalooyinka waaweyni buuq iyo wax ardayda banjar-gareeya, maadaama Gabiley ay tahay meel ku haboon waxdhigashada waxaan leeyahay arintaa ka faa’iidaysta. Aduunka laftiisa meelaha magaalada iyo caasimadaha ku dhaw ayaa jaamacadaha ugu fiican laga helaa”.

 

 

Xigasho Wargeyska Haatuf