Xadhiggii Xukuumaddu Saddex cisho ka Hor kula kacday Afarta wariye oo ay ugu dartay Tacaddi iyo karantiimayn kale

Hargeysa:05-Dec-2013(SM)-Afar ka mid ah wariyayaasha ka hawlgala warbaahinta madaxa Bannaan ee Somaliland oo maalintii saddexaad ku xidhan saldhigga dhexe ee Magaalada Hargeysa, ayey xukuumaddu  si aad ah ugu tacaddiday xuquuqdoodii aasaasiga ahayd.

saxaafadWariyayaashan oo gardarro loogu xidhay amar ka soo baxay Madaxtooyada, ayaa  sidoo kale lagu amray inaan cidi Booqan karin oo aanay Ehelkoodu xataa arki karin.

Taliyaha Saldhigga  dhexe Ci’dheere ayaa askarta saldhigga joogta amar ku siiyey inaan la ogolayn hal shakhsi oo  gudaha ugu gala wariyayaasha xidhan, waxana uu ku andacooday inuu sidaas amar ku qabo.

Madaxtooyada Somaliland oo ah halka laga soo abaabulay xadhiga kooxdan wariyayaasha ahaa ayaa sidoo kale soo saartay amarkan lagu duudsiyayo xuquuqdii kale ee ay maxaabiis ahaan lahaayeen, iyadoo ay taasi  ka mid tahay dagaalka ay xukuumaddani kaga soo horjeeddo xorriyatul qowlka iyo dimuqraaddiyada.

Amarkan wariyayaashan maalintii saddexaad sharcidarrada ugu xidhan xukuumadda, ayaa ay madaxtooyadu uga jeeddaa sidii ay saxaafadda madaxa Bannaan ugu abuuri lahayd cabsi iyo baqdin dheeraad ah si aanay ugu dhiirrin soo bandhigidda xaqiiqooyinka waddanka ka jira.

Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal iimaan oo isagu ah Aaladda loo adeegsado marka la doonayo in sharciga waddanka lagu tunto oo ay warbaahinta madaxa Bannaani la xidhiidhay si ay wax uga weydiiso waxa uu u haysto wariyayaashan, ayaa sheegay inuu Maanta oo Khamiis ah maxkamad keeni doono oo uu is dhaafin doono sida uu sheegay,  lamase Hubo inuu arrintaas ka dhabayn doono, maadaama uu kaliya amarka Madaxtooyada ku shaqeeyo oo aanu sharciga u hoggaansamin.

Sidoo kale taliyaha oo wax laga weydiiyey sababta wariyayaashan xidhan looga hor istaagay xuquuqdoodii ay u lahaayeen in Eheladooda iyo qaraabadoodu soo booqdaan oo Cuntooyinka u keenaan, ayaa taanna kaga jawaabay inay ku timi amar ka sarrreeya, taas oo loo qaatay inay madaxtooyadu tahay meesha tacaddigani ka soo burqanayo.

Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo tan iyo intii ay xilka qabatay dagaal dhinacyo badan leh oo tacaddi iyo xadhig ugu badan yahay ku qaadday warbaahintii sababta u ahayd inay xilka qabato, ayaan wali ka waantoobin inay arxandarradaas joojiso, waxana wali sii waddaa dagaalkii iyo dhibaatadii ay la dhalatay.

Masuuliyiinta arrimahani sida gaarka ah u khuseeyaan sida wasiirka warfaafinta iyo Wasiir ku xigeenka Amniga, ayaa ku guuldarraystay inay jawaab waafi ah ka bixiyaan Fadeexaddan xukuumaddu waddo, waxana ay door bideen inay Hawl ay iyagu lahaayeen aamusnaan ku daawadaan.

Salaanmedia/Hargaysa