Xildhibaan ka Tirsan Baarlamanka Somalia oo Maanta ku nafwaayay Qarax Miino oo lala Beegsaday agagaarka Madaxtooyada

Muqdisho 06.Dec 2013 (SM)- Madaxda dawlada Somalia  ayaa ka tacsiyaysay geerida xildhibaan Maxamed Warsame (Faysal) oo maanta lagu dilay qarax miino oo lagula eegtay agagaarka xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Xildhibaan-Warsame-300x168Allaha u naxariistee xildhibaanka ayay wararku sheegayaan in miino loogu xiray gaarigiisa, taas oo qaraxday xilli uu marayay agagaarka madaxtooyada.

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa Golaha Shacabka Soomaaliya uga tacsiyadeeyey geeridiisa, isagoo ku amray hay’adaha amniga inay sida ugu dhaqsaha badan u baaraan falkaas.

Wuxuu shacabka ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan kooxaha nabad-diidka ah ee bar-tilmaameedsanaya dadka aan waxba galabsan iyo mas’uuliyiinta dowladda.

Ra’iisul wasaaraha xafiiska ka tagaya, Cabdi Faarax Shirdoon ayaa xusay in gacan ka xaq daran ay dishay xildhibaanka oo uu tilmaamay inuu ahaa shaqsi aad ugu wayn ummadda Soomaaliyeed, isla markaana kaalin muhiim ah uga jiray howlaha Qaranka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa geerida Xildhibaan Maxamed ku tilmaamay war naxdin leh, wuxuuna uga tacsiyeeyay qoyskiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka tagay.

Salaanmedia/Hargaysa