Xisbiga UCID Ku Canbaareyey Xukuumada Siilaanyo Wax uu ugu Yeedhay Siyaasad Xumada Xukuumada (Siyaasada Biyaha)

 SM… 29 Dec 2013 Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID ayaa Cambaareeyey Siyaasada Biyaha ee Xukuumada Talada Haysa ee Kulmiye.

Sidaana Waxa uu ku Sheegay Xisbiga UCID Warsaxaafadeed uu ku Saxeexan Yahay Xogahay Arrimaha Gudaha ee Xisbiha UCID Md Axmed Mingist.

War-Saxaafadeedka ayaa u Dhignaa Sidatan:-

JAMHUURIYADDA SOMALILAND                                                                                 REPUBLIC OF SOMALILAND

ucid     

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka                                                                                                           {UCID}                                                                                                                                                                                 Justice and Welfare Party    

Ref/UCID/1010/2013                                                                                                Date: 29/12/2013

 

WAR SAXAAFADEED

HARGEYSA

UJeedo/Canbaareyn Xoogan Siyaasad Xumada Xukuumada (Siyaasada Biyaha)

Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ucid Waxaa War-Saxaafadeedkan Cod Xoogan Ku Canbaareynayaa RASAASTA NOOL NOOL ee Lagu Laynayo Dadka Shacbiga Ee Sida SALMIGA AH uga Mudaharaadayey Biyo La,aanta Ku Dhacdey Mudo Saddex Cisho Ah, War Xukuuumada Ka Soo Baxdeyna Aaney Jirin

Hadaba Markey Xukuumadu Ku Guul Dareysatey Siyaasada Biyaha Ee Caasimada,Ayaa Shacbiga Somaliland Ee Ku Dhaqan Caasimadu Waxay U Hawl Galeen Siday Uga Maarmi Lahaayeen Biyo Ay Xukuumada Ka Sugaan,Waxaney Dhexdooda Samaysteen Booyado Shacabku Leeyihiin Oo Ay Ka Iibsadaan

 

 

Waa wax laga murugoodo in aynu maalintii alle keenaba aynu maqalo dad mudaharaad salamiya samaynaya oo dastuurku u baneeyey in  loo adeegsado ciidamadii loo tababa barey inay amnigooda sugaan iyagoo adeegsanaya rasaas nool taas oo keenta dhimasho iyo daawac.

Qof kasta oo  muwaadin ahi xaq ayuu  u leeyahay in uu si salmi ah u muujiyo dareenkiisa ku waajahan  tabashadiisa isaga oo aan nabadgelyada wax u dhimayn

Waa wax aad looga xumaado  maatida tacadiga lagu hayo ee markay Doonayaan inay dareenkooda Si Salmiya u muujiyaan xabada loo nacayo.

Waa ayaan daro dad haraadan oo xaq u leh inay biyo helaan rasaas lagu oon tiro. Waa wax aan damiirka nooli qaadan Karin mudaharaadka maanta ka dhacay qaybo ka mid ah magalada Hargeisa ee ay dadku ku dalbanayaan inay helaan biyo si ay haraadka iyo oonka uga baxaan tasoo ka dhalatay booyadahii u dhaamin jiray oo shaqo joojin sameeyay ay kaga cabanayaan cashuuraha ayna qaadi karin ee sida ka fiirsasho la’aanta ah  loogu soo rogay.

 

Xisbiga caddalada iyo daryeelka UCID Hore ayuu uga digay in xeerka wadooyinka ee aan laga fiirsan ee ku yimi laab la kacu keeni doono kacdoon shicib.

Waxaanu Xukuumada uga digaynaa in aan qori caaradii dadka lagu cabudhin karin.

Xukuumada Somaliland ee Musuqa iyo qaraaba kiilku dishooday iyada ayaa ka masuul ah biyo la’aanta hargaysa.

Xagay qabatay lacagtii Bangiga horumarinta Afrika ugu deeqay biyaha Hargeysa, Meeday lacagtii midowga yurub ku deeqeen biyo balaadhinta Caasimada Hargeysa,Meeday Lacagtii Isutaga Imaaradka Carabtu?

Ugu Danbeyntii Xisbiga Ucid Waxaa Uu Tacsi Tiraanyo Leh UDirayaan Dhamaan Dadkii Ku Waxyeeloobey Mudaharaadkii Shaley

Xogahaya Arimaha Gudaha Xisbiga Ucid

Md:Cabdi Maxamud Saleebaan (Mingista)