Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Iyo Ergaygiisa Muqdisho Jooga Oo Golaha Ammaanka Uga Waramay Diidmada Somaliland Ee Xafiiska UNSOM Iyo Dareenkod

Wednesday, December 11th, 2013 

Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Iyo Ergaygiisa Muqdisho Jooga Oo Golaha Ammaanka Uga Waramay Diidmada Somaliland Ee Xafiiska UNSOM Iyo Dareenkoda

un

Dec 11,2013 Hargaysa(SM)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon iyo ergaygiisa gaarka ah ee u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya, ayaa siyaabo gooni gooni ah golaha ammaanka Qaramada Midoobay ugu bandhigay go’aanka ay Somaliland ku diiday in xafiiskooda UNSOM ka shaqeeyo Somaliland. Xukuumadda Somaliland ayaa hore u mamnuucday xafiiskaas UNSOM oo ay ku eedaysay inuu ka soo horjeedo danaha qaran ee Somaliland.

Xoghayaha guud Ban Ki Moon, ayaa warbixin aan weli la baahin oo uu 2 December u gudbiyay golaha ammaanka, balse uu Geeska Afrika arkay, wuxuu ku sheegay in xafiikooda UNSOM aanu ka shaqaynin Jamhuuriyadda Somaliland. “Natiijada ka dhalatay diidmadii Somaliland ee hawsha xafiiska UNSOM ee Hargeysa, ayaa keentay inaan la qaban shaqo la taaban karo oo la xidhiidha hawsha loo igmaday xafiiska UNSOM.” Sidaas ayuu ku yidhi xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay warbixintiisa oo uu inta badan kaga hadlay xaaladaha Somaliya.

Ban Ki Moon, waxa kale oo uu ka hadlay dareeno ka dhashay socdaal uu bil ka hor magaalada Taleex ku yimid madaxweyne xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire, kaas oo sababi gaadhay isku dhac ciidan. Mar uu ka hadlayay xaaladda amni ee Somaliland, wuxuu sheegay inuu ammaanka Somaliland degenyahay.
Wuxuu Ban Ki Moon, warbixintiisa ku soo hadal qaaday miisaaniyadda Somaliland ee sannadka 2014 oo uu sheegay inay golaha wasiiradu ansixiyeen 24 September, “Golaha wasiirada Somalialnd waxay ansixiyeen miisaaniyadda sanadka 2014 oo ah 212 Million dollar, taas oo 51% ka mid ah loo qoondeeyay sugida ammaanka.” Sidaas ayuu yidhi xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay. Waxa kale oo uu ka hadlay heshiiska ay saddexda xisbi qaran iyo guddiga doorashadu ka gaadheen in la sameeyo diiwaangelinta cod bixiyayaasha ka hor doorashada madaxtooyada ee qoondaysan 2015.

Geesta kale, ergayga xoghayaha guud u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Nicholas Kay, oo shalay warbixin muuqaal ah oo uu toos uga soo gudbinayay magaalada Muqdisho, kula hadlay xubnaha golaha amaanka Qaramada Midoobay, ayaa wuxuu isna soo hadal qaaday xafiiskooda Hargeysa ee aan shaqaynin. “Somaliland waxay sii wadaa inay diido hawsha loo igmaday UNSOM, sidaas awgeed shaqaadayadii aanu halkaas [Somaliland] ka qaban lahayn way taagantahay.” Ayuu ku yidhi Nicholas Kay, warbixintaas oo ahayd muuqaal.

 
 Salaanmedia/Hargaysaa